Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Man United Oo Soo Qabatay Kooxda Kaalinta 3aad Xilli Ay Xasuuqeen Bournemouth

by Saed Mohamed
January 4, 2023
0
Man United Oo Soo Qabatay Kooxda Kaalinta 3aad Xilli Ay Xasuuqeen Bournemouth

Manchester United ayaa soo qabatay kooxda kaalinta seddexaad ee Newcastle United ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen Bournemouth oo marti ku aheyd Old Trafford halka Newcastle ay barbaro la gashay Arsenal.

ADVERTISEMENT

Goolal ay kala dhaliyeen Casemiro, Luke Shaw iyo Marcus Rashford ayay Man United kaga talaabsatay kooxda Bournemouth iyagoo haatan 35 dhibcood la wadaaga kooxda kaalinta 3aad ee Newcastle laakiin Red Devils ayaa dhanka farqiga goolasha aad uga danbeysa Newcastle.

Shayaadiinta Cas Cas ayaa ciyaarta ku bilowday si raaxo leh iyagoo kubada koontaroolayay waxayna ku qaadatay kaliya daqiiqadii 23aad inay ciyaarta hogaanka u qabtaan, markii Casemiro uu shabaqa ku taabtay karoos uu soo dhigay Christian Eriksen.

Laakiin United waxaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray qeybtii hore ee ciyaarta Van de Beek oo fursad la siiyay kulankaan, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay United hogaanka ku heysay.

ADVERTISEMENT

lcimg bc9dc556 ffc3 41a7 806d 9cccc688ac73

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Afar daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad Manchester United ayaa heshay goolkii labaad ee ay raadinayeen, wuxuuna ahaa gool qurux badan oo si fiican looga soo shaqeeyay.

Shaw ayaa kubad la dhexmaray Bournemouth ka hor inta uusan u baasin Fernandes oo sii quudiyay Garnacho kaasoo isna u celiyay Luke Shaw oo ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Travers.

Daqiiqadii 78aad Garnacho ayaa birta garaacay halka daqiiqadii ku xigtay uu goolhaye Travers sameeyay labo badbaadin oo isku xigta.

Daqiiqadii 86aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Marcus Rashford oo dhaliyay goolka seddexaad. Shaw oo wacdarro dhigay caawa ayaa kubad baas fiican ku quudiyay Fernandes kaasoo u sii dhigay Rashford oo dhameystiray.

ADVERTISEMENT

Daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta David de Gea ayaa ilaashaday shabaqiisa isagoo sameeyay badbaadin fantastik ah waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Unite dku xasuuqday Bournemouth.

 

Share312Tweet195
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.