Arsenal ayaa ah kooxda ugu cad cad saxeexa weeraryahanka Atletico Madrid ee Joao Felix iyagoo kaga horreeya Paris St-Germain, Manchester United iyo Aston Villa. (Marca – in Spanish)
Waxa jirta fursad wanaagsan oo Arsenal garabka Shakhtar ee Mykhaylo Mudryk kula saxeexanayso lacag ka yar 86-ka Milyan ee pound ee kooxdiisu ku doonaysay. (Athletic)
Liverpool ayaa Benfica kala heshiisay saxeexa khadka dhexe ee ree Argentina ee Enzo Fernandez. (La Capital – in Spanish)
Fernandez ayaa sidoo kale dookha labaad u ah Real Madrid haddii ay awoodi waydo saxeexa Jude Bellingham oo Borussia Dortmund ka tirsan. (Sport – in Spanish)
Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa doonaya in tababare Gareth Southgate sii haysto shaqada xulkaas. (Bild – in German)
Xidhiidhka kubadda cagta England way ka fikiri doonaan magacaabista tababare ajaanib ah haddii Southgate is-casilo. (Telegraph – subscription required)
Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa tababaraha Leicester ee Brendan Rodgers u arka murashaxa hoggaaminaya bedelka Southgate balse kama fikirayaan Frank Lampard ama Steven Gerrard. (Star)
Brazil ayaa doonaysa in tababarihii ka tagay ee Tite uu bedel u noqdo macalinka Real Madrid ee Carlo Ancelotti isla markaana dalab usoo gudbisay bishii October. (UOL Esporte – in Portuguese)
Leicester City ayaa filanaysa in Arsenal bisha dambe markale isku daydo saxeexa khadkeeda dhexe ee Youri Tielemans kahor inta uusan xor noqon xagaaga dambe. (Mirror)
Chelsea ayaa wadahadalo la furtay weeraryahanka ree Germany ee Youssoufa Moukoko oo heshiiskiisa Borussia Dortmund xagaaga dhacayo. (Nicolo Schira)
Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa Ousmane Dembele oo ka tirsan Barcelona. (El Nacional – in Catalan)
AC Milan ayaa wadahadalo heshiis kordhin kula jirta bartilmaameedka Man United iyo Chelsea ee Rafael Leao isla markaana xaalad degen kaga jirta haddii uu heshiis kordhin samayn doono. (Gazzetta dello Sport, via Goal)
Manchester United ayaa dhaqan gelin doonta qoddobada ogolaanaya inay min sanad kale kordhiso heshiisyada xiddigaheeda kala ah David De Gea, Fred, Luke Shaw, Marcus Rashford iyo Diogo Dalot. (Manchester Evening News)
Leeds United ayaa qorshaynaysa suuqa January saxeexa daafaca bidix ee PSV ee Philipp Max. (Football Insider)
Wilfried Zaha ayay u badantahay inuu xor kaga tago Crystal Palace marka heshiiskiisu dhaco xagaaga. (Fabrizio Romano, via CaughtOffside)
Sevilla ayaa doonaysa in Isco kooxdeeda ka tago suuqa January shan bilood kaddib markii uu kaga yimid Real Madrid. (Marca – in Spanish)
Bayern Munich ayaa ku dhaw saxeexa khadka dhexe ee RB Leipzig ee Konrad Laimer oo xagaaga dambe xor ugu soo biiraya. (Fabrizio Romano)
Tottenham Hotspur ayaa toddobaadkan wadahadalo cusub oo heshiis dheer ah la bilaabi doonta tababare Antonio Conte. (Athletic)
Luis Enrique ayaa sheegay inuu diyaar u yahay kusoo laabashada shaqada tababarenimo ee heer kooxeed kaddib markii uu Spain ka tagay. (Sport – in Spanish)
Mauricio Pochettino ayaa u sheegay asxaabtiisa dhaw dhaw inuu xiisaynayo shaqada Chelsea haddiiba la heli karo. (Football Insider)
Amazon ayaa ah shirkadii ugu dambaysay ee lala xidhiidhiyo iibsashada Manchester United balse lacagta 7 Bilyan ah ee qoyska Glazer ku doonayaan iibka kooxda ayaa loo arkaa mid aan macquul ahayn. (Mail)
Aston Villa tababaraheeda Unai Emery ayaa doonaya inuu kooxdiisii hore ee Villarreal kala wareego xiddigaha kala ah Arnaut Danjuma iyo Nikolas Jackson. (Mirror)
PSV Eindhoven agaasimaheeda ciyaaraha ee Marcel Brands ayaa sheegay in Cody Gakpo ay suuqa January iibin karaan balse kaliya haddii lacag rekoodh u ah kooxdooda laga soo gudbiyo. (Goal)
Chelsea bartilmaameedkeeda Rafael Leao ma filayo inuu heshiiska u kordhin doono AC Milan maadaama uu doonayo mushahar ka badan 7 Milyan ee euro ee kooxdiisu mushahar usoo bandhigtay sanadkii. (Sky Germany via Football Transfers)