Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Man United Oo Lagu Dhegay Waqtiga Dhimashada, Kaalinta 2aad Oo Loo Diiday & Casemiro Oo Seegaya Kulanka Arsenal

by Saed Mohamed
January 19, 2023
0
Man United Oo Lagu Dhegay Waqtiga Dhimashada, Kaalinta 2aad Oo Loo Diiday & Casemiro Oo Seegaya Kulanka Arsenal

Laad xor ah oo ay dhalisay Crystal Palace waqtigii dhimashada ciyaarta ayaa guul muhiim ah uga horjoogsadeen Manchester United iyagoo ku qabqabtay barbaro 1-1 ah ciyaar xiiso badaneyd oo ak dhacday garoonka Selhurst Park.

ADVERTISEMENT

Gool uu qeybtii hore dhaliyay Bruno Fernandes ayay Manchester United hogaanka ku qabatay laakiin laado xor ah uu saxiixay waqtigii dhimashada ciyaarta Olise ayay ku barbareysay Crystal Palace taasoo Man United u diday inay kaalinta labaad soo gasho iyagoo haatan ku jira kaalinta 3aad islamarkaana 39 dhibcood la wadaaga Man City iyagoo kulan sii hor ciyaaray

Guusha Man United loo diiday waxaa u sii dheer inay ka murugeysan yihiin in mashiinkooda khadka dhexe Casemiro inuu ka maqnaanayo kulanka Axada ee Arsenal ka dib markii uu caawa qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedka.

Crystal Palace ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhibaato u abuureysay kooxda Manchester United iyagoo kubada la qeybsanayay kooxda martida aheyd.

ADVERTISEMENT

Goolhaye David de Gea ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah markii uu kubad gool loo fishay faraha foodooda uga bixiyay Edouard taasoo ku sii dhacday birta.

Sidoo Kale Akhri

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

January 28, 2023
Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

January 28, 2023

lcimg d2d22981 79b2 434d 864e 52116e7e672e

:Laakiin iyadoo ciyaarta la isku mari la’ yahay ayay hal mar Man United heshay fursad ay hogaanka ugu qabteen ciyaarta markii Christian Eriksen uu kubad u dhigay Bruno Fernanes oo waayay cid raacata ka dibna isku qaabeeyay inuu darbo fiican dhex dhigo shabaqa.

Waa goolkii 7aad uu Eriksen caawiye ka noqdo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaa ka caawin badan kaliya Kevin de Bruyne.

Daqiiqadii 72aad Man United ayaa rigoore ku dooday markii Soctt McTominay uu ku dhex dhacay xerada ganaaxa ka dib kubad ay ku xafiiltameen Richards. Var oo dib u eegtay dhacdada ayaana go’aamisay inaysan rigoore aheyd.

ADVERTISEMENT

Daqiiqadii 75aad David de Gea ayaa badbaadin kale oo cajiib ah sameeyay ka dib markii uu feer ku bixiyay kubad madax aheyd oo gool loo fishay oo ka timid Guehi.

Casemiro ayaa kaarka hurdiga ka qaatay Manchester United daqiiqadii 80aad markii uu qalad ku galay Wilfred Zaha taasoo la micno ah inuu ganaax ku seegayo kulanka Arsenal ee Axada.

Daqiiqadii 1aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, laad xor ah oo loo dhigay Crystal Palace ayuu Olise shabaqa ku hubsaday isagoo u barbareeyay kooxda martida loo ahaa.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1 oo ay Manchester United taako loogu dhigay.

Share399Tweet250
ADVERTISEMENT

Related Posts

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Chelsea ayaa gudaha xilli ciyaareedkan uun la saxeexatay tababare Graham Potter oo uu sidoo kale mulkiile Todd Boehly lacag aan...

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Arsenal iyo guud ahaan jamaahiirta kooxdaas ayaa werwer kala laabtay kulankii FA Cup ee ay xalay ku hadheen...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.