Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Man United Oo Hal Lug La Gashay Finalka Carabao Cup Xilli Wout Weghorst Uu Furtay Akoonkiisa Goolasha Man Utd

by Saed Mohamed
January 26, 2023
0
Man United Oo Hal Lug La Gashay Finalka Carabao Cup Xilli Wout Weghorst Uu Furtay Akoonkiisa Goolasha Man Utd

Manchester United ayaa hal lug la sii gashay finalka koobka Carabao Cup ka dib markii ay 3-0 ku garaaceen kooxda Nottingham Forest oo marti loogu ahaa garoonka City Ground lugtii hore ee wareega afar dhamaadka.

ADVERTISEMENT

Rashford oo ayaa dhaliyay goolkiisii 10aad ee 10 kulan uu saftay tan iyo markii Koobka Adduunka laga soo laabtay halka Wout Weghorst uu furtay akoonkiisa goolasha ee Man United ka dib markii uu amaah uga soo wareegay Burnley bishaan Janaayo.

Bruno Fernandes ayaana ciyaarta hurdo u diray dhamaadkii iyadoo Man United ay hal lug la gashay finalka, waxayna lugta labaad ee semi-finalka ku ciyaari doonaan Old Trafford 1da bisha Febraayo.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo Man United ay koontarooleysay kubada, waxayna ku qaadatay kaliya lix daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta. Marcus Rashford ayaa kubad dhexda uu ugu dhigay Casemiro soo jiiday islamarkaana iska dhexmaray dhowr ciyaaryahan ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin.

ADVERTISEMENT

Waa goolkiisii 18aad ee uu xilli ciyaareedkan u dhaliyo Manchester United tartamada oo dhan.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Bartamihii qeybta hore Nottingham Forest ayaa mooday inay dhaliyeen goolka barbaraha ka dib kubad rogeelcelis ah oo ay qaadeen laakiin VAR ayaa goolkooda diiday oo offside ayaa laga dhigay.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Manchester United ayaa heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii uu Weghorst shabaqa soo taabtay, waxaana lagu kala nastay labadaas gool.

Bilowgii qeybta labaad Man United ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkeedii seddexaad markii Christian Eriksen uu birta ku garaacay kubad uu u soo celiyay Antony.

Gibbs White ayaa isna fursad fiican u abuuray kooxda Nottinham balse waa ay haleeli waayeen inay shabaqa soo taabtay,

ADVERTISEMENT

Manchester United ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiqiadii 89aad markii Bruno Fernandes uu dhaliyay goolka seddexaad isagoo dabamariyay goolhaye Hennessey oo gacanta ku taabtay balse celin waayay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ku badisay lugta hore, waxaa lugta labaad lagu ciyaari doonaa Old Trafford 1da bisha Febraayo.

Share318Tweet199
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.