Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Man United Oo Garoonkeeda Ku Xasuuqday Nottingham & Fariin Ay U Direen Tottenham Oo Wadnaha Farta Ku Heysa

by Saed Mohamed
December 28, 2022
0
Man United Oo Garoonkeeda Ku Xasuuqday Nottingham & Fariin  Ay U Direen Tottenham Oo Wadnaha Farta Ku Heysa

Manchester United guul weyn kula soo laabatay Premier League ka dib markii ay 3-0 ku xaaqeen kooxda kaalimaha hoose ee Nottingham Forest oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford.

ADVERTISEMENT

Labo gool oo ay kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Antony Martial qeybtii hore iyo goolka 3aad uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay Fred oo bedel ku soo galay ayaa ka caawiyay United inay seddexda dhibcood xaqiijisato waxayna haatan hal dhibic kaliya ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham oo hal kulan sii hor ciyaartay marka loo eego Shayaadiinta Cas Cas.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa iska heysatay Manchester United oo abuurtay fursadihii ugu badnaa islamarkaana ciyaareysay kubad weerar ah halka Nottingham Foresy ay ku adkeyd inay kubada isku dhiidhiibaan.

United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 19aad markii koorno uu soo tuuray Christian Eriksen uu shabaqa u qaaday Marcus Rashford oo si caqliyaysan u dhameystiray.

ADVERTISEMENT

Seddex daqiiqo ka dib United ayaa hogeenkeeda dheereysatay markii kubad rogaalcelis ah oo ay qaadeen ay keentay inuu kubad baas dheer helo Rashford kaasoo kubada si fiican u koontaroolay ka hor inta uusan u baasin Martial oo shabaqa toogtay.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Refree

Dhamaadkii qeybta hore Nottingham Forest ayaa mooday inay gool soo ceshadeen markii Boly uu madax ku dhaliyay kubad laad xor aheyd oo la soo qaaday.

Markii hore VAR ayaa eegeysay in kubada uu gacanta ku taabtay laakiin waxaa taas ka soo hormartay inuu offside jiray sidaasi darteedna goolka loo diiday.

Nottingham ayaa si firfircoon ku bilaabatay qeybtii labaad laakiin waxaa bilowgiiba ka dhaawacmay Jesse Lingard oo ciyaarta laga saaray iyadoo Antony uu fursad gool loo fishay ka qasaariyay United ka dib baas uu ka helay Bruno Fernandes.

ADVERTISEMENT

lcimg e98ad451 7c21 4383 b245 39cc510f5418

Goolhaye Hennessey ayaa labo fursadood kale ka beeniyay Martial iyo Rashford halka De Gea isna markiisa la tijaabiyay bartamihii qeybta labaad.

Fred ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 87aad isagoo bedel ku soo galay markii uu shabaqa ku hubsaday baas dhex bixis ah uu ka helay Casemiro.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ku garaacday kooxda Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta 19aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

Share332Tweet208
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.