Tababaraha wakhtiga adag kula jira kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa cawday kaddib kulankii ay xalay guuldarrada kale ee 4-0 ka ahi kasoo gaadhay Manchester City oo durba xilli ciyaareedka saddex jeer ka adkaatay.
City ayaa koobkii labaad ka cidhib tirtay Blues oo xalayna macsalaamaysay FA Cup kaddib goolal ay ka dhaliyeen Riyad Mahrez (2), Phil Foden iyo Julian Alvarez.
Potter oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Man City tahay kooxda ugu xun ee lala ciyaari karo marka aad xaalad xun ku jirto maadaama ay kaa dhigayaan sida kuwo aan ordayn xataa.
“Kooxdani waa mida ugu xun ee aad la ciyaari karto marka aanad si fiican u ciyaarayn, waxay kaa dhigi karaan sida kuwo aan ordayn oo aan isku dayayn”
“Natiijooyinkaas maalmo kooban gudahood maaha kuwo wanaagsan, marmarsiiyo ayaad samayn kartaa, sababo ayaad raadin kartaa ama waxaad odhan kartaa maaha wax fiican, labadaasiba waa sax”.
“Sida cad waanu dhibtoonaynaa mana aha wax wanaagsan gabi ahaanba, waad fahmi kartaa cadhada taageerayaasha midaasna waan ixtiraamayaa, markasta waxa jira aragtiyo kale iyo eedaymo sababtoo ah natiijooyinku may ahayn kuwo wanaagsan”
“Waxaanu u baahanahay inaanu wada joogno, midkaayaba midka kale taageero waanan hubaa inaanu taageerada jamaahiirta heli doono markay natiijooyin wanaagsan arkaan”
Kulanka kaddib ayuu sidoo kale Pep Guardiola mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly kula taliyay inuu wakhti siiyo macalinkii hore ee Brighton.