Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xajisan kari wayday guul gacanteeda ku jirtay, waxaanay u fasaxday Everton inay dhibcaha kula qaybsato Etihad Stadium, kulan si aad ah loogu xafiiltamay oo Frank Lampard uu iskaga fudaydiyo culayskii badnaa iyo shaqo ka caydhintiisii miiska saarnay.
Erling Haaland ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester City qaybtii hore, isaga oo dhamaystiray baas qurux badan oo goolkahortiisa uu u dhigay Riyad Mahrez, hase yeeshee qaybtii labaad ayuu Damarai Gray ku barbarreeyey gool aad u qurux badnaa oo uu meel fog ka toogtay.
City ayaa iska lumisay fursado badan oo ay waqti horeba guusha ku go’aansan lahayd, hase yeeshee goolhaye Pickford ayaa halgan adag la galay isaga oo ka badbaadiyey fursado goolal loo qaatay.
Pep Guardiola ayaa la arkayay isaga oo cadhaysan qaybta hore, sababtoo ah waxa uu diiddanaa in aanay kooxdiisu khatar badan gelinayn goolka oo ay ku adkayd inay xerada ganaaxa galaan iyaga oo dhinaca kalena kubadda maamulaya.
Riyad Mahrez ayaa dhinca midig kala soo galay kubbad uu dhawr difaac ah lasoo jiidhay oo uu meel cidlo ah ugu dhiibay Haaland oo isaguna dhamaystiray daqiiqaddii 24aad.
Goolkan ayaa ahaa midkii 21aad ee horyaalka PremierLeague uu ka dhaliyo, waxaana uu sagaal gool ka sarreeyaa wadarta goolasha ay Everton dhalisay xilli ciyaareedkan oo dhan.
John Stones ayaa sidoo kale birta garaacay dhamaadka qaybta hore isaga oo madax awood badan ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo dhinaca midig uu kasoo qaaday Kevin De Bruyne, taas oo goolhaye Pickford aad uga fogaa.
21 – Erling Haaland’s opener was his 21st Premier League goal of the season, nine more than opponents Everton have netted overall this term (12). Expected. pic.twitter.com/Y4jO4Y3T3b
— OptaJoe (@OptaJoe) December 31, 2022
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Everton soo noolaysay ciyaarteeda, waxaanay sare u qaadeen weerarka iyadoo ciyaartoydeeda orodka badan ay dhax ordayeen khadka dhexe ee Manchester City oo u muuqanayay inay weerarka diiraddoodu saarnayd.
Daqiiqaddii 64aad ayuu Damarai Gray gool qurux badan u dhaliyey Everton isaga oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Rodri oo baas uu bixiyey dhaxda uu ka qabsaday Gueye oo isaguna kubadda usii tuuray Gray, isla markaana orod kula tegay kubadda xerada ganaaxa ka hor intii aanu ugu qabanin ee aanu darbad sarraysa weydaarinin Ederson.
Goolkan ayaa musiibo ku noqday Manchester City oo ay ka daba iman kari weyday, waxaana fursado dahabi ahaa ka badbaadiyey Jordan Pickford.
Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa iska lumisay fursad ay kaalinta saddexaad kusoo geli lahayd, isla markaana ku dhaafi lahayd Manchester City, hase yeeshee waxa barbarro goolal la’aan ah ku qabatay Leeds United oo marti u ahayd.
Newcastle United ayaa inta badan ciyaarta daadahaynaysay, hase yeeshee waxay awoodi waayeen inay kubadda dhaafiyaan goolhaye Illan Meslier oo shan fursadood ka badbaaadiyey.
Waxa kale oo niyad-jabku kusii socdaa kooxda kubadda cagta Southampton oo kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta horyaalka Premier League, waxaana 2-1 ku garaacday Fulham.
Ward-Prowse ayaa gool iska dhaliyey daqiiqaddii 32aad, balse uma ogolaanin in kooxdiisa Southampton isaga eersato, waxaana uu laad xor ah ku dhaliyey goolka barbarraha bilowga qaybta labaad, balse waxa mar kale shabaqooda soo taabatay Fulham oo uu gool labaad u dhaliyey Palhinh iyaga oo sidoo kalena iska khasaariyey rikoodhe uu laaday Mitrovic.