Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Magacyada Xiddigaha Lagaga Sheekaysanayo Qolka Labbiska Liverpool Ee Ay Jamaahiirtu Sugayaan Saxeexooda

by Abdiwahab Ahmed
January 25, 2023
1
Magacyada Xiddigaha Lagaga Sheekaysanayo Qolka Labbiska Liverpool Ee Ay Jamaahiirtu Sugayaan Saxeexooda

Qolka labbiska Liverpool ayaa waxa lagaga sheekaysanayaa magacyada dhawr ciyaartoy oo uu tababare Jurgen Klopp isha ku hayo oo uu doonayo inuu keeno Anfield, si ay kooxdiisu mar kale u noqoto koox tartamaysa kaddib xilli ciyaareed adag oo ay kaalinta sagaalaad kaga jiraan miiska  kala-sarraynta

ADVERTISEMENT

Suuqa  iibka ciyaartoyda oo xidhmaya January 31, ayay Liverpool isku dayaysaa inay la saxeexato ugu yaraan hal ciyaartoy oo khadka dhexe ah, balse waqtiga ayaa gabaabsi ku ah.

Reds ayaa waxay bishan January lasoo wareegtay Cody Gakpo oo ay £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay PSV Eindhoven, laakiin waxa muuqata in aanu xallin karaynin mushkiladda haysata kooxda illaa khadka dhexe ay iska tiiriyaan.

Thiago Alcantara, Jordan Henderson iyo Fabinho ayay ciyaartoodu hoos u dhacday, waxaanay taasi keentay in uu lumo qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay Liverpool halka Mohamed Salah uu illoobay sidii goolasha loo dhinayay usbuucyadii ugu dambeeyey.

ADVERTISEMENT

Iyadoo dhibaatadani jirto, waxa qolka  labbiska Liverpool ka jira guux iyo hadal-haynta shan ciyaartoy oo ay taageereyaasha iyo ciyaartoyduba doonayaan in ay kooxdu la saxeexato, si ay u xalliyaan dhibaatada ku habsatay ee khadkaa dhexe.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Ciyaartoydan ayaa waxa ugu horreeya Jude Bellingham oo u ciyaara Borussia Dortmund oo ay kooxaha waaweyn ee Yurub ku tartamayaan saxeexiisa, Matheus Nunes oo ay Wolves xagaagii soo iibsatay, Moises Caicedo oo ka tirsan Brighton oo ay danaynayaan Chelsea iyo Arsenal, kaas oo xalay xaqiijiyey in diiraddiisu tahay inuu si fiican ugu ciyaaro Brighton.

Waxa kale oo qolka labbiska Liverpool lagaga sheekaysanayaa Sofyan Amrabat oo u ciyaara xulka qaranka Morocco iyo kooxda Fiorentina kaas oo qiimihiisa lagu sheegay £40 milyan oo Gini. Intan oo kaliya ma aha, waxa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoydan xiddiga da’da yar ee reer Argentina ee Enzho Fernandez.

ADVERTISEMENT
Share398Tweet249
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Comments 1

  1. Mustaf Mohamed Qarni says:
    2 weeks ago

    Ala woow warkaas baa igu socda never give up magacaasu bilaash uma bixin waanu soo noqoneynaa hadaanu nahey Liverpool weligey isma dhiibno

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.