Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Magacaygu Ma Aha Fabinho” – Xiddiga Liverpool Oo Shaaciyey Qisada Magaca Dhabarka Ugu Qoran

by Abdiwahab Ahmed
November 21, 2022
0
Fabinho

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool iyo xulka Brazil ee Fabinho ayaa sheegay in aanu magaciisa rasmiga ah ahayn midka loo yaqaano ee dhabarka ugaga qoran garanka uu ku ciyaaro ee Fabinho, balse ay jirto qiso kale oo ka dambaysa oo keentay inuu isticmaalo magacan.

ADVERTISEMENT

Kubbad-burburiyaha Brazil ayuu magaciisa rasmiga ah yahay Fabio Henrique Tavares balse waxa uu caan ku noqdy Fabinho iyadoo la dheereeyey magaciisa.

Waraysi uu siiyey warbaahinta Sky Sports ayaa uu kusoo bandhigay xaqiiqada magaciisa iyo sidii uu ku yimid Fabinho iyadoo magaciisa rasmiga ah yahay Fabio, waxaanu yidhi: “Magacaygu ma aha Fabinho. Magacygu waa Fabio – Fabio Tavares laakiin haddii aanu nahay reer Brazil waxa aanu magac walba ku darnaa ‘inho’, sidaas ayaanay iigu yeedheen Fabinho, illaa maantana waxa aan ahay Fabinho.”

Fabinho waxa uu magaciisa kala tashaday hooyadii markii uu caanka noqday, waxaanay ku waafaqday dadka kale ee reer Brazil in magaciisa lagu daro ‘inho’.

ADVERTISEMENT

“Hooyaday ayaan weydiiyey markii aan xirfaddayda kubadda cagta bilaabay, midka ay door-bidayso – Fabinho ama Fabio – waxayna ii sheegtay Fabinho, sidaas ayaan ku qaatay Fabinho.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Fabinho oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha Monaco, Rio Ave iyo Real Madrid ayaa waxay kubaddiisu kusoo baxday AS Monaco oo uu uga ciyaari jiray difaaca midig iyo khadka dhexe intaba, balse markii uu yimid Liverpool ayaa waxa uu Jurgen Klopp u daayay kaliya inuu ka dheelo booska kubbad-burburinta oo ah booska uu ugu fiican yahay.

ADVERTISEMENT
Share436Tweet272
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.