Madaxweynaha dalka France ee Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday hadalkii uu ku yidhi weeraryahanka xulkiisa ee Kylian Mbbappe dhammaadkii kulankii kama dambaysta koobka aduunka ee xalay.
Argentina iyo France ayaa 3-3 isku mari waayay kulan lagu sifayn karo midkii ugu fiicnaa abid taariikhda kubadda cagta oo xulka ree Yurub dhawr jeer soo laabasho sameeyay.
Mbappe ayaa dhammaan saddexda gool ee Les Bleus dhaliyay isagoo soo nooleeyay rajadooda xilli ay u muuqdeen kuwo goor horeba laga adkaaday.
Marcon ayaa dhammaadkii ciyaarta isku dayay inuu maslaxo dhammaan xiddigaha dalkiisa isagoo dhinaca kale tababare Didier Deschamps ka codsaday inuu sii wato shaqada xulka.
Marcon ayaa dhinaca kale Kylian Mbappe u sheegay inuu kaliya 24 sano jir yahay isla markaana uu taariikh weyn durba soo dhigay isagoo mustaqbalna ka horreeyo.
“Mbappe waa ciyaartoy cajiib ah oo haddana da’yar. Waxaan u sheegay inuu kaliya 24 sano jir yahay, wuxuu haystaa abaalmarinta gool dhaliyaha ugu sarreeyay Koobka aduunka, wuxuu ku guuleystay Koob aduun, wuxuu gaadhay Final”.
“Sidiisa oo kale ayaan u murugaysnaa, waxaan u sheegay inuu aad noo sharfay dhammaantayo ugu dambayntiina kulan kubadda cagta ah aanu guuldarraysanay, aad ayaanu ugu dhawaanay, taasi waa sida ciyaaruhu u shaqeeyaan”.