Madaxweynaha waddanka Faransiiska Eammaneul Macron ayaa u duulay waddanka Qatar, waxaana uu caawa fiidka iska xaadirin doona garoonka Al-Bayt Stadium ee ay ka dhcayso ciyaarta xulkiisa Faransiiska iyo Morocco oo semi-finalka Koobka Adduunka foodda isku daraya.
Faransiiska iyo Morocco oo ah laba waddan oo xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer uu ka dhexeeyey tobannaan sannaddood, isla markaana uu Faransiisku guumaysan jiray, ayaa waxay ciyaartoodani abuurtay xiisad sababtay in magaalada Paris lagu daadiyo boolis tiro badan.
Warbaahinta Faransiiska ayaa ku sheegtay ciyaartan dagaal sokeeyey oo u dhexeeya dad isku mid ah, waxaana laga baqayaa in taageereyaasha reer Morocco iyo kuwa Faransiiska ee ku wada nool magaalada Paris inay isku dhacaan.
Sida uu xaqiijiyey wargeyska L’Equipe, madaxweynaha Faransiiska Eammanuel Macron ayaa waxa uu tegay Qatar si uu ciyaartoyda xulkiisa u dhiirigeliyo, waxaana uu caawa ciyaarta ka daawan doonaa garoonka Al-Bayt stadium.
Macron oo toddobaadka dambe u socdaali doona magaalada Brussels oo uu kaga qayb-geli doono shirka Midowga Yurub, ayaa waxa uu gaadhi doonaa magaalada Doha saacadaha soo socda, waxaana uu safarkiisu imanayaa iyadoo uu horeba usii bixiyey qish la xidhidha inuu ciyaartan daawan doono.
Qoraal uu bishii November madaxweyne Macron ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: “Koobkan Adduunka, waa markii ugu horreeyey ee lagu qabto dunida Carabta, waxaana uu caddaynayaa isbeddelada waaweyn ee dhacaya.
“Qatar ayaa dariiqan jeexday, waana waajib in lasii wado. Waa lagu xisaabtami karaa taageeradayada.”