Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Maba Naxayo!! Muran Ka Taagan Cidda Dhalisay Goolka Ay Isku Haystaan Cristiano Ronaldo Iyo Bruno Fernandes

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Maba Naxayo!! Muran Ka Taagan Cidda Dhalisay Goolka Ay Isku Haystaan Cristiano Ronaldo Iyo Bruno Fernandes

Dood ayaa ka taagan ciyaartoyga dhaliyey goolkii koowaad ee xulka qaranka Portugal ee xalay oo ay 2-0 ku jiidheen Uruguay, waxaana goolkaas  ku muransan labada ciyaartoy ee Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes.

ADVERTISEMENT

Kabtanka  xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku doodaya inuu isagu dhaliyey goolkaas, waxaana uu si weyn ugu dabbaal-degay markii ay kubaddu shabaqa taabatay iyadoo dhinaca kalena markii ay ciyaartu dhamaatay uu sheegtay goolkaas.

FIFA ayaa waxay goolka u qortay Bruno Fernandes kaddib markii ay kaamirooyinku xaqiijiyeen in Ronaldo aanu taabanin kubadda oo ay ka dallacantay, inkasta oo ay timihiisa taabatay.

Bruno Fernandes ayaa isaguna isku dayay in goolka uu u riixo dhinaca Ronaldo, waxaana uu saxaafadda u sheegay in uu CR7 dhaliyey goolka, balse taas beddelkeeda isaga ayaa loo qoray labadii gool ee xalay uu xulkiisu dhaliyey, kaddib markii uu rikoodhaha dhamaystiray waqtigii dheeraadka ahaa.

ADVERTISEMENT

Ron

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Diiwaanka gool-dhalinta Koobka Adduunka, waxa hadda isku mid ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo min siddeed gool dhaliyey min shan Koob Adduun oo ay ciyaareen, taas oo ka dhigan in Ronaldo aan diiwaanka loo gelinin goolkii koowaad ee xulka Portugal uu ka dhaliyey Uruguay ee uu sida weyn ugu dabbaal-degay.

Sida uu sheegay Piers Morgan, Cristiano Ronaldo ayaa qoraal usoo diray kaddib ciyaarta, waxaana uu u xaqiijiyey in uu madaxiisu taabtay kubadda oo uu isagu dhaliyey goolkaas, waxaanu yidhi: “Ronaldo wuxuu ii xaqiijiyey in madaxiiisu taabtay kubadda. Xataa Bruno ayaa arrintaas ku raacsan.”

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa arrintan falcelin badan ka sameeyey, waxaanay qaarkood la yaabeen sida uu Ronaldo ugu doodi karayo inuu dhaliyey kubbad aanu taaban, halka qaarkoodna timihiisa ku tilmaameen kuwo mucjiso ah oo sii riixay kubbad aanu dhab ahaan u taabanin madaxu.

ADVERTISEMENT
Share410Tweet256
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.