Wargeyska L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in Finalka Koobka aduunka ee Axadu sidoo kale yahay mid dib u midayn doona xiddigaha kala ah Kylian Mbappe iyo Leandro Paredes oo France iyo Argentina ka kala tirsan.
Paredes oo xilli ciyaareedkan amaah kaga maqan PSG isla markaana jira dhinaca Juventus ayaa waraysi uu mar siiyay ESPN ku sheegay inaysan isaga iyo Mbappe ahayn laba qof oo isku dhaw.
Taas ayaa sharaxaysa sidii uu qasku uga dhex jiray xilli ciyaareedkii hore qolka labiska PSG iyadoo loo kala qaybsanaa koox asxaab u ah South American iyo koox French ah.
Qaar kamida xiddigaha French-ka ah ee Paris ayaan ku faraxsanayn sida ay u dhaqmayaan xiddigaha South American-ka ahi tusaale ahaan inay tababarka ka maqnaayeen Messi iyo Paredes maalintii ku xigtay bixintii Ballon d’Or 2021.
Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii ay tababarka dhexdiisa isku dhaceen Achraf Hakimi oo ah saaxiibka ugu dhaw Mbappe iyo Leandro Paredes, warar hoose ayaa sheegayay in Hakimi ku dacaayadeeyay Paredes inuu qiimaha uu kooxda ku yimidna qaali yahay kubbaddana uusan xakamayn (Control) karin.
Qaskaas ayaa gaadhay ilaa garoonka dhexdiisa iyadoo la dareemay in Angel Di Maria uusan kubadda in badan u baasayn Hakimi oo ay garabka midig ka wada ciyaaraan.
Markale kulankii sanadkan ay is-arkeen Champions League Juventus iyo PSG ayaa la arkayay Sergio Ramos oo cayaaya isla markaana cunaha qabtay Paredes xilli uu ruugcaddaaga ree Spain ka safnaa dhinaca Hakimi iyo Mbappe.