Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Maaha Joao Felix!! – Arsenal Oo Weeraryahanka U Bedelaya Gabriel Jesus Ka Heshay Atletico Madrid

by Apdihakem Omer Adam
December 20, 2022
0
Qorshaha Sii Xoojinta Arsenal Oo Bilaabmay & Xiddiga Ay Waxkasta U Samayn Doonaan Saxeexiisa January

Arsenal ayaa xiisaynaysa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Matheus Cunha iyagoo u raba bedelka mudada gaaban ee Gabriel Jesus oo ka dhaawacmay sida lagu dhigay wargeyska Evening Standard.

ADVERTISEMENT

Tababare Mikel Arteta ayaa war naxdin leh helay inta Koobka aduunku socday kaddib markii uu dhaawac jilibka ahi gaadhay Jesus oo muhiim u ahaa tartanka ay horyaalka Premier League ugu jiraan.

Eddie Nketiah ayaa ah ku xigeenkii booska No.9 ee Jesus balse maaha mid ay Arsenal ku tashan karto mudada saddexda bilood ee uu maqnaan doono xiddiga Brazilian-ka ahi.

Arsenal ayaa haatan Premier League shan dhibcood hoggaanka kaga haysa Manchester City waxayna doonayaan inay sii joogteeyaan farqigaas.

ADVERTISEMENT

Jesus ayaa shan gool u dhaliyay Gunners tan iyo markii uu 45-ka Milyan ee pound ugaga soo biiray Man City, mudooyinkii ugu dambeeyay ayuu abaar dhinaca goolasha ah ku jiray balse wali waxa uu muhiim u ahaa isku xidhka kooxdiisa.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Cunha ayaa isagu doonaya inuu iskaga tago Atletico kaddib kaliya 15 bilood oo uu kooxda joogay isagoo boos ka waayay macalin Diego Simeone.

Arsenal ayay saxeexa Cunha kula tartamayaan kooxaha kale ee Leeds United, Aston Villa iyo Wolves xilli heshiiskiisa Rojiblancos 2026 ku eeg yahay.

Matheus Cunha ayaa 54 kulan oo uu Atleti ilaa haatan usoo ciyaaray toddoba gool usoo dhaliyay.

El Atlético de Madrid no negocia por Matheus Cunha | Goal.com Espana

ADVERTISEMENT
Share318Tweet199
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.