Kooxda Liverpool ayaa wada qorshaha ay koobka aduunka ee Qatar ka socda kaga eeganayso xiddigaha ay u aragto kuwo safkeeda xoojin u noqon kara.
Xiddiga ay Reds ishoodu qabatay ayaa ah khadka dhexe ee xulka Morocco iyo kooxda Fiorentina ee Sofyan Amrabat, wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in Liverpool xidhiidh la samaysay wakiilada xiddigaas oo ay u bandhigi karaan laba jibaarka mushaharkiisa.
Reds ayaa ah mid kamida kooxo badan oo lala xidhiidhinayo Sofyan kaddib bandhigyada wanaagsan ee uu u muujiyay Morocco koobka aduunka.
Xulka lagu naanayso The Atlas Lions ayaa booska koowaad kaga soo baxay Group ay kula jireen Croatia, Canada iyo Belgium halka ay caawa kulan wareega 16-ka koobka aduunka ah la ballansan yihiin Spain.
Warbixinta ayaa sheegaysa in iyado kooxaha saxeexa Amrabat xiisaynayaa badan yihiin haddana Liverpool tahay mida ugu soo horraysay.
Kooxda macalin Jurgen Klopp ayaa diyaar u ah inay sanadkii 3 Milyan oo pound mushahar u siiyaan 26 sano jirkaas khadka dhexe taas oo ahku dhawaad laba jibaarka mushaharkiisa Fiorentina ee haatan oo ah 1.55 Milyan pound.