Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la sheegay in xidhiidhka kubadda cagta Jarmalku ay doonayaan inay u magacaabaan tababarahooda, kaddib markii uu xulka dalkaasi si fool xun uga hadhay Koobka Adduunka oo ay wareeggii koowaad ee group-yada kaga baxeen.
Xulka Germany ayaa noqday dalka kaalinta saddexaad ka galay Group F, waana markii labaad ee xidhiidh ah ee ay Koobka Adduunka kaga hadhaan wareegga group-yada, waxaanay ahayd 2018 markii ay sidan oo kale qaab bahdilaad ah ugaga hadheen Koobka Adduunka oo ay sannadkii 2014 ku guuleysteen.
Hansi Flick oo dhalleecayn badan la kulmaya ayaa la sheegay inay suurtogal tahay in shaqada laga caydhiyo amaba lagu cadaadiyo inuu iscasilo, taas beddelkeedana waxa uu xidhiidhka kubadda cagta Jarmalku doonayaa inay magacaabaan Jurgen Klopp.
Si kastaba, wakiilka tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo lagu magacaabo Marc Kosicke ayaa ka hadlay waxa ka jira xidhiidhka la sheegay inuu dhax maray Klopp iyo xidhiidhka Jarmalka, waxaana uu sheegay in warkaasi been yahay oo aanay waxba ka jirin.
Kossicke oo la hadlayay Sky Germany ayaa yidhi: “Tani waa arrin ay saxaafaddu mowduuc ka dhiganayso. Klopp waxa uu Liverpool kula jiraa qandaraas soconaya illaa 2026 oo uu doonayo inuu dhamaysto.”
Klopp oo sannadkii 2015 noqday tababaraha Liveprool ayaa dhowaan saxeexay qandaraas cusub oo soconaya illaa sannadka 2026, taas oo ka dhignaanaysa inuu muddo 11 sannadood ah ahaanayo tababaraha Liverpool,