Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Ma Rumaysan Kartida!! Tirada Kooxaha Iska Diiday Inay La Saxeexdaan Ronaldo Oo Mushaharkiisa Yareeyey

by Abdiwahab Ahmed
December 10, 2022
1
Ronaldo on the bench

Cristiano Ronaldo

Ronaldo ayay sidani u dambaysay, waa wax aan la qaadan karayn, laakiin da’diisa weynaatay iyo waqtiga uu ku jiro ee aan fiicnayn ayaa keentay. Xiddiga reer Portugal ayaa hadda koox la’aan ah kaddib markii ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay, sidoo kalena waxa uu ku dhibaatoonayaa xulka qaranka Portugal oo kaydka  la dhigay ciyaartii u dambaysay.

ADVERTISEMENT

37 jirkan oo toddobaadkii hore la sheegay in uu heshiis la gaadhay kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr ayaa beeniyey arrintaas, inkasta oo ay xaqiiqo tahay in uu haysto dalab weyn oo sannadkii uu ku qaadanayo lacag ka badan £172 milyan oo Gini oo ay kooxdaasi usoo bandhigtay.

Sida ay wargeysyada waaweyn ee Ingiriisku maanta qoreen, Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu fursad siiyey tiro kooxo ah oo uu waliba ogolaaday in uu mushaharkiisa dhimo, si ay ula saxeexdaan balse dhamaantood way iska diideen.

Ronaldo ayaa la sheegay in uu kooxahan u xaqiijiyey, in uu ogol yahay in uu toddobaadkii qaato £80,000 Gini oo kaliya, halka mushaharkii uu ka qaadan jiray Manchester United uu ahaa £450,000 toddobaadkii, balse kooxihii ay xidhiidheen oo dhan ayaa ka gaabsaday inay dhamaystiraan heshiiska.

ADVERTISEMENT

Wargeyska The Athletic oo warkan qoray ma aanu sheegin kooxaha ay Ronaldo xidhiidheen ee iska diiday fursadda ay kula saxeexanayaan, balse waxa uu xusay in ay yihiin kooxo ka dhisan qaaradda Yurub oo uu Cristiano Ronaldo doonayo inuu wali sii joogo.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in ugu dambayn uu toddobaadka dambe shaacin doono mustaqbalkiisa iyo kooxda uu u wareegi doono.

ADVERTISEMENT
Share368Tweet230
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Comments 1

  1. Unstoppable says:
    2 months ago

    Sababta aad uga hadli la,dihin wamaxy
    Cristiano waxa lagaracay habenki u sharabka coco cola dhulka dhigay
    Yuhud ayaa ninkan kudabajirta
    Waxy waxwalba usamaynaya sidi ay khadka ugasaren ciyartoyo kahoreysy o ugu horeyan mascut ozil

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.