Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Ma Laha Dhiirranaan” – Tababaraha Xulka Sucuudiga Oo Weerar & Guul-darro Iskugu Daray Lionel Messi

by Abdiwahab Ahmed
November 23, 2022
0
Xogta Iyo Rikoodhyada Laga Diiwaangeliyay Guushii Soo Laabashada Aheyd Ay Sacuudiga Ka Gaareen Argentina

Tababaraha xulka qaranka Sucuudiga ee Herve Renard ayaa weerar afka ah ku qaaday kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi, kaddib markii ay shalay ku garaaceen kulankoodii koowaad ee Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Herve Renard ayaa guul soo laabasho ah ku hoggaamiyey Sucuudiga, waxaanay ka daba yimaaddeen Argentina oo gool rikoodhe ah uu Lionel Messi ugu furay ciyaarta, iyaga  oo ugu beddelay 2-1. Guusha Sucuudiga ayaa waxay soo afjartay 36 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo aan marna laga badin Argentina, taas oo kasoo bilaabantay sannadkii 2019.

Tababare Herve Renard ayay saxaafaddu ku xoontay shalay, waxaanay mid walba gaarkeeda ula yeelatay waraysi ay ku doonayaan inay hadallo ka duwan kuwii uu hore u yidhi kaga helaan, maadaama ay ahayd dhacdada ciyaareed ee ugu weyn guusha uu xulka Sucuudigu ka gaadhay Argentina oo ah waddanka koowaad ee loo saadaalinayo Koobka Adduunka.

Warbaahinta ayaa weydiisay Herve Renard sida uu u arkayay Lionel Messi intii ay ciyaartu socotay, waxaana uu si lama filaan ah ugu sifeeyey ciyaartoy aan dhiirranaa lahayn, waxaanu yidhi: “Bal qiyaas, Lionel Messi ayaa ka hor yimid oo la ciyaarayay Sucuudi Carabiya. Waxa uu odhan doonaa waa  in ay si fiican ku bilowdaan oo ay guuleystaan, laakiin waxa aad ogtihiin in aanay dhiirranaantiisu la mid ahayn sida mrka uu laa ciyaarayo Brazil.”

ADVERTISEMENT

Herve Renard ayaa hadalkiisa laga dhadhansanayaa in uu dareensan yahay in Lionel Messi uu dhayalsanayay xulka qaranka Sucuudiga, sidaas darteedna aanu dhiirranaantii iyo firfircoonidii badnayd u lahayn.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share308Tweet192
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.