Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

“Ma Jirto Koox Ka Weyn Oo Aan Tegayo’ – Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Farriin Culus Diray

by Abdiwahab Ahmed
January 23, 2023
0
“Ma Jirto Koox Ka Weyn Oo Aan Tegayo’ – Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Farriin Culus Diray

Real Madrid ayuu waqtigu ku yar yahay si ay ugu qanciso laba ka mid ah xiddigaheeda inay sii joogaan Santiago Bernabeu, kuwaas oo xor u noqon doona inay si xor ah uga tagaan dhamaadka xilli ciyaareedka, halka ay haddana fasax buuxa u haystaan inay wada-xaajoodyo la furaan naadiyada danaynaya.

ADVERTISEMENT

Ciyaartii ay xalay Real Madrid 2-0 kaga adkaatay Athletic Bilbao iyo guushii soo laabashada ee Villarreal ee usbuucii hore, waxa wacdaro ka dhigay Dani Ceballos iyo Marco Asensio, taas oo keentay in Carlo Ancelotti uu kusoo bilaabo kulankii xalay oo ay mar kale sameeyeen bandhig heersare aha.

Dani Ceballos oo ay muddo boos la’aani ku haysatay kooxdiisa, isla markaana kasoo laabtay waqti amaah ahaa oo uu kusoo qaatay kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal ayaa uu hadda Carlo Ancelotti ku dedaalayaa inuu ku qanciyo inuu sii joogo Real Madrid isaga oo fursado fiican siinaya.

Luka Modric oo gaboobay iyo Toni Kroos oo illaa hadda ku adkaysanaya inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ayay Real Madrid muddo ku tiirsanayd, waxaanay doonayaan inay ku dhegaan Dani Ceballos oo xalay caddeeyey in uu doonayo inuu sii joogo Bernabeu.

ADVERTISEMENT

Dani Ceballos oo la weydiiyey mustaqbalkiisa ayaa yidhi: “Ma jirto koox ka weyn Real Madrid. Afar bilood ayaa ka  hadhay qandaraaskayga, wax kastana waan u samaynayaa sidii aan halkan usii joogi lahaa si aan u muujiyo heerkayga ciyaareed.’

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share344Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.