Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Ma Jiro Ciyaartoy Ka Wanaagsan Oo Dunida Jooga” – Erik ten Hag Oo Ciyaartoy Lama Filaan Ah U Magacaabay Xiddiga Ugu Wanaagsan & Barbar-dhigga Uu Ku Sameeyey Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
WAR LA SUGAYAY: Ten Hag Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Ronaldo Ciyaarayo Kulanka Rayo Vallecano Ee Maanta

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa xiddiga England ee Marcus Rashford barbar-dhigay laacibka reer France ee Kylian Mbappe, waxaana uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida waqtigan.

ADVERTISEMENT

Rashford oo dib ugu laabtay Manchester, kaddib markii uu xulkiisa England ka hadhay Koobka Adduunka isaga oo saddex gool dhaliyay ayaa waxa maalmo nasasho ah kaddib uu la midoobi doonaa ciyaartoyda  kooxdiisa.

25 jirkan oo qandaraaskiisa Manchester United uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ayaa hadal-hayn badan ay ka taagan tahay, inkasta oo Red Devils ay haysato 12 bilood oo dookh ah oo ay ku kordhin karto heshiiskiisa, sidii uu dhigayay qandaraaskii ugu dambeeyey ee uu saxeexay.

Kooxo ay ka mid tahay Paris Saint-Germain ayaa doonaya inay la saxeexdaan Marcus Rashford oo xor u noqonaya inuu la xaajoodo kooxda uu doono marka la gaadho bisha January, waxaana madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu toddobaadkii hore qirtay inuu doonayo inuu bisha January la hadlo laacibkan.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, tababare Erik ten Hag oo wax laga weydiiyey Marcus Rashford, ayaa yidhi: “Anigu waqtigan waxa aan u aqoonsanahay inuu yahay ciyaartoy weyn. Waxa aan rumaysanahay in marka uu Marcus ka ciyaarayo dhinaca midig in aanu jirin ciyaartoy ka wanaagsan oo dunida jooga.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

“Waqtigan waxa jooga Mbappe, laakiin waa isku mid.”

Ugu dambayntii waxa uu Erik ten Hag sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay Marcus Rashford uga saxeexi lahaayeen heshiis uu kusii joogo Old Trafford, sidoo kalena waxa uu muujiyey niyad-samaan maadaama ay haystaan 12 bilood oo dookh ah.

Manchester United ayaa waxa sidoo kale walwal ku haya heshiiska ay kula jirto Diogo Dalot oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan socda, balse sida Rashford oo kale ayaa waxay haystaan 12 bilood oo kale oo dookh ah oo Erik ten Hag xaqiijiyey inay dhaqan-gelin doonaan.

ADVERTISEMENT
Share412Tweet257
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.