Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ma Hubtaa Aurelie? Xiddig Ka Tirsan Xulka Faransiiska Oo Sheegay In Kylian Mbappe Ka Wanaagsan Yahay Lionel Messi

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
Mbappe reacts

Mbappe oo ka falcelinaya rigooradii uu qasaariyay Harry Kane

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Faransiiska ee Aurelien Tchouameni ayaa rumaysan in Kylian Mbappe uu waqtigan ka wanaagsan yahay kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ee ay Finalka Koobka Adduunka iskaga hor imanayaan Axadda.

ADVERTISEMENT

Mbappe iyo Messi oo u wada ciyaara Paris Saint-Germain ayay xulalkooda France iyo Argentina iskugu soo baxeen finalka Koobka Adduunka ee garoonka Lusail Stadium loosii qurxiyey. Ka sokow koobka, waxay labadan ciyaartoy sidoo kale ku tartamayaan abaal-marinta kabta dahabka ah ee tartanka oo ay min shan gool ka dhaliyeen iyo abaal-marinta xiddiga tartanka.

Khubarada ciyaaraha ayaa intooda badan isku raacsan in Lionel Messi uu yahay ciyaarotyga ugu wanaagsnaa Koobka Adduunka ee ka socda Qatar, marka laga eego saamaynta uu ku lahaa xulkiisa, siiba ciyaartii ugu dambaysay ee Croatia ay 3-0 ku karbaasheen.

Laakiin Aurelien Tchouameni ayaa aragtidaas ka beddelan, waxaana uu rumaysan yahay in Mbappe uu yahay ciyaartoyga hadda ugu wanaagsan adduunyada oo uu xataa ka fiican yahay Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Aniga aragtidayda, Kylian ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan.

ADVERTISEMENT

“Aniga ahaan, Mbappe ayaa ugu fiican adduunyada, waxaanan doonayaa inuu horumarka sii wado ciyaarta xigta [finalka Koobka Adduunka].”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Inkasta oo uu Aurelien Tchouameni  ku dooday in Mbappe uu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida waqtigan, haddana saaxiibkiisa xulka France ee Antoine Griezmann ayaa qaba aragti taas ka duwan, waxaana uu sheegay in koox kasta oo uu Lionel Messi ku jiro inay ka duwan tahay naadiyada kale oo ay guuleysanayso, balse ay ku dedaali doonaan sidii ay iskaga celin lahaayeen.

ADVERTISEMENT
Share311Tweet194
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.