Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ma Durba? Saxeexa Cusub Ee Real Madrid Ee Endrick Oo Lagu Tallaalay Nacaybka Real Madrid U Qabto Lionel Messi & Falka Uu Sameeyey Xalay

by Abdiwahab Ahmed
December 14, 2022
0
Ma Durba? Saxeexa Cusub Ee Real Madrid Ee Endrick Oo Lagu Tallaalay Nacaybka Real Madrid U Qabto Lionel Messi & Falka Uu Sameeyey Xalay

Endrick Felipe oo Real Madrid ay horraantii toddobaadkan la gaadhay heshiis shaqsi ah, isla markaana maalmaha soo socda la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska uu ugu soo wareegayo Santiago Bernabeu ayaa durba lagu abuuray cadaawadda ay kooxdiisa cusub u hayso xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

Endrick Felipe oo 16 jir ah ayay Real Madrid kala heshiisay mushaharkiisa iyo sannadaha uu saxeexayo, waxaana la uu soo gaadhi doonaa caasimadda Spain sannadka 2024, inkasta oo wali aanay Real Madrid iyo Palmeiras si buuxda ugu dhawaaqin inay laacibkan heshiiskiisa dhamaystireen.

Da’yarkan ayaa xalay sameeyey tallaabo ay markiiba falcelin ka sameeyeen taageereyaasha Real Madrid, isla markaana ku qasabtay inuu degdeg isaguna ugu jawaabo.

Endrick Felipe ayaa mrkii ay soo dhamaatay ciyaartii Argentina ay 3-0 ku garaacday Croatia, waxa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Twitter-ka uu ku amaanay Lionel Messi, hase yeeshee markii ay taageereyaasha Real Madrid ka falceliyeen ayuu si degdeg ah u tirtiray oo uu qoraalkaas uga saaray bartiisa bulshada.

ADVERTISEMENT

Jamaahiirta Real Madrid ayaa u sheegay Endrick, in aanay mudnayn in uu amaano Lionel Messi iyadoo uu murugaysan yahay xiddiga kooxdiisa cusub ee Luka Modric, waxaanay taasi keentay inuu markiiba ka saaro qoraalkiisa.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Waxyar kaddib markii uu Endrick tirtiray qoraalka, waxa saxaafadda la hadlay Luka Modric oo ku tilmaamay Lionel Messi ‘ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta’, balse Endrick waxba kama beddelin go’aankii uu qoraalkiisa ku masaxay.

Endrick (futuro jugador del Madrid) ha tenido que borrar este tuit donde elogia a Messi por su jugada del 3-0. ¿Las razones? Acoso e insultos del madridismo en Twitter…

De verdad… estáis mal de la cabeza, en serio. Lo vuestro es grave. pic.twitter.com/YvgPX5YObt

— Míster Seitán (@CuentaMister) December 13, 2022

ADVERTISEMENT
Share438Tweet274
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.