Arsenal ayaa suuqa bishan January isku dayday saxeexa khadka dhexe ee Real Sociedad ee Martin Zubimendi balse ciyaaryahanka ayaan doonayn inuu kooxdiisa ka tago bishan.
23 sano jirkaas burburiyaha khadka dhexe ayaa heshiiskiisa Sociedad yahay mid 52.5 Milyan pound lagu jabin karo, Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u ahayd bixinta lacagtaas.
Zubimendi ayaan doonayn inuu ka tago kooxda uu ilaa caruurnimadiisii soo joogay oo xilli ciyaareed fiican qaadanaysa isla markaana booska saddexaad kaga jirta horyaalka La Liga.
Wakiilada Zubimendi ayaa Jimcihii magaalada London u joogay wadahadalo balse uma muuqdaan kuwo suurogalaya kaddib go’aanka ciyaaryahanka.
Martin ayaa bishii October ee sanadkii hore kooxdiisa qalinka ugu duugay heshiis cusub oo ilaa 2027 kooxda kusii haynaya.
Real Sociedad ayaa isku dayday inay 79 Milyan pound ku xidho heshiiskiisa cusub balse ciyaaryahanka ayaa u sheegay in qiimihii hore ee 52.5 Milyan pound-ka ahaa loo daayo.
Zubimendi ayay sidoo kale xiisaynayaan Manchester United iyo Barcelona oo iyadu u doonaysa bedelka kabtan Sergio Busquets.