Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Ma Doonayo…” Frank Lampard Oo Ka Hadlay Shaqada Ay Everton Ka Caydhinayso

by Abdiwahab Ahmed
January 5, 2023
0
“Ma Doonayo…” Frank Lampard Oo Ka Hadlay Shaqada Ay Everton Ka Caydhinayso

Frank Lampard ayaa loo ogolaaday inuu ka hadlo shirka jaraa’id ee Everton ee maanta xilli la sheegayo in la qoray warqaddiisa shaqo ka caydhinta kaddib ciyaartii ay Brighton 4-1 ku xasuuqday iyada oo marti ku ah Goodison Park.

ADVERTISEMENT

Tababare Lampard oo Everton yimid bahdtamaha xilli ciyaareedkii hore iyaga oo casaanka ku jira, ayaa waxa uu ka badbaadiyey inay heerka labaad u dhacaan, hase yeeshee hadda ayay kooxdiisu mar kale qashay qaladaalse  iyaga oo tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal mar  oo kaliya guuleystay.

Everton oo Jimcaha berri la ciyaaraysa Manchester United ayay hore saxaafaddu u sheegeen in aanu laylin doonin oo ka hor ciyaartaas la eryi doono, hase yeeshee waxa muuqata in ciyaartan ay natiijadeedu go’aamin doonto mustaqbalkiisa Goodison Park.

Shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Everton, ayay saxaafaddu weydiisay mustaqbalkiisa iyo haddii uu u baahan yahay in la siiyo damaanad ah inuu ciyaarta Manchester United laylinayo kooxda, waxaanu ku jawaabay: ‘Anigu waligay ma aanan raadinin damaanad, mana raadin doono. Shaqadaydu waa kaliya in aan diiradda saaro shaqada aan gacanta ku hayo, hawl-maalmeedka iyo ciyaarba ciyaarta xigta. Xaqiiqadu waa sidaa. Anigu ma doonayo, umana baahni damaanad.

ADVERTISEMENT

“Waxa aan halkan ku imid in aan ka shaqeeyo oo aan isku dayo in aan horumar sameeyo maalin kasta, naftayda u sameeyo horumar, kooxda horumariyo, sidaa daraadeed ayaanan damaanad u raadsanayn.”

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share315Tweet197
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.