Virgil van Dijk ayaa magacaabay xiddig ka tirsan kooxdiisa Liverpool oo layaab ku riday tan iyo markii ay ku midoobeen Anfield, mana aha xiddigaha waaweyn ee ay guulaha badan wada gaadheen.
Difaaca reer Netherlands oo xulka qarankiisa kala qayb-gelaya Koobka Adduunka, ayaa waxa uu sheegay in Ibrahima Konate uu noqday ciyaartoyga inta badan ka yaabiya tan iyo markii uu yimid Liverpool oo sannadkii hore ee 2021 kala soo wareegtay kooxda reer Germany ee RB Leipzig.
Konate oo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka France ee Koobka Adduunka ee Salaasada la ciyaaraya Australia ayaa waxa Van Dijk uu ku sheegay ciyaartoy cajiib ah oo marar badan ka yaabiya, waxaanu yidhi: “Way adag tahay in aan doorto hal ciyaartoy oo iga yaabiyey, laakiin sannadkii hore waxa uu ahaa Konate. Waa ciyaartoy shaqsiyad wanaagsan oo sheekeeya, laakiin gudaha garoonkana aad ay tayadiisu u badan tahay. Waa ciyaartoy cajiib ah balse mustaqbalka ah. Waa ciyaartoyga koowaad ee maskaxdaada kusoo dhacaya.
“Luis Diaz ayaa isaguna yimid jiilaalkii, anigu shaqsiyan waan garanayay sida ay u adag tahay in aan si degdeg ah u saldhigto koox cusub, laakiin isagu wuu sameeyey. Labadan wiil aniga maskaxdayda ayay si degdeg ah ugu soo dhacaan.”