Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ma Aha Mbappe: Ian Wright Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Faransiiska Ah Ee Burburin Doona Xulka England

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
Kylian Mbappe Oo Ka Hadlay Ganaaxa Ay FIFA Saartay Kulan Walba Oo Koobka Adduunka Ah

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka England iyo Arsenal ee Ian Wright ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo ku jira xulka qaranka  England oo ka khatar badan Kylian Mbappe, kuwaas oo ay tahay in Ingiriisku uu taxadar badan ka sameeyo wareegga siddeedda oo ay isku dhaceen.

ADVERTISEMENT

Faransiiska oo soo garaacay Poland ayaa waxay wareegga siddeedda wada ciyaari doonaan xulka England oo iyaguna soo jiidhay Senegal, waxaana uu midkood u gudbi doonaa laba-dhamaadka halka midkooda kalena uu tartanka macasalaamayn doono.

Garoonka quruxda badan ee Al Bayt Stadium ayaa Sabtida ay taageereyaasha England iyo France iska xaadirin doonaan si ay u daawadaan kulankan adag, waxaana uu xulka England walaaca ugu badan ka qabaa weeraryahanka Kylian Mbappe oo shan gool dhaliyey afartii ciyaarood ee uu dheelay oo uu saddex ka mid ah kusoo bilowday, waxaana intii uu tartanku socday lagu tilmaamay laacibka ugu wanaagsan.

Ian Wright oo qiimaynayay ciyaartoyda xulka qaranka France ayaa waxa uu farriin u diray tababare Gareth Southgate iyo ciyaartoyda England waxaanu u sheegay in Kylian Mbappe laga khatar badan yahay oo ay joogaan laba ciyaartoy oo kale oo halis ah, sidaas darteedna aanay isaga uun diirradda saarin.

ADVERTISEMENT

Wright oo kaa hadalyay telefishanka ITV, ayaa waxa uu ku dooday in Antoine Griezmann iyo Ousmane Dembele ay ka khatar badan yihiin Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Ilama aha inaad iska indho tiri karaysaan Griezmann. Dabcan way caddahay in aydaan sidoo kale iska indho tiri karayn Mbappe, laakiin Griezmann waa midka wax walba isku tola. Ousmane Dembele ayaa sidoo kale ah.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

‘Waa in aad joojisaan Griezmann, waana in aad la socotaan Ousmane Dembele sababtoo ah way adag tahay in la joojiyo Dembele.”

ADVERTISEMENT
Share346Tweet217
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.