Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa niyad-jabsan kaddib markii ay Arsenal go’aansatay inay heshiis cusub oo laba sannadood ah oo uu qandaraaskii hore siinayay ay ka saxeexaan mid ka mid ah xiddigahooda da’da yar ee uu sida weyn u doonayay tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti.
Gunners oo u dagaallamaysa inay soo afjarto abaartii ka haysatay horyaalka Premier League oo 20 sannadood laga joogo markii ugu dambaysay ee ay ku guuleysteen, ayaa waxa uu Mikel Arteta doonayaa in aanu wax ciyaartoy ah lumin, taas beddelkeedana uu ciyaartooyo cusub la saxeexdo.
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa la sheegay inay Arsenal ka doonayso xiddig aan ahayn Martin Odegaard oo maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegayay in Los Blancos ay heshiiskiisii ku dartay qodob dhigaya inay dib ula saxeexan karto.
Ciyaartoyda ay Real Madrid doonayso inay la saxeexato ayaa lagu sheegay da’yarka Charlie Patino oo amaah ugu maqan kooxda heerka labaad ee Blackpool oo uu bandhig heersare ah ka samaynayo, waxaana 19 jirkan uu ugu soo bilowday 18 ka mid ah 21kii ciyaarood ee Blackpool ay dheeshay, isaga oo laba gool u dhaliyey, laba kalena caawiye ka noqday.
Xiddigan da’da yar ee reer England oo Arsenal kusoo biiray markii ay da’diisu ahayd 15 jir, ayaa waxa si weyn u doonaysay Real Madrid, sida uu qoray wargeyska Nacional ee kasoo baxa Spain, balse Arsenal ayaa heshiis cusub oo laba sannadood ah ka saxeexday, iyadoo qandaraaskii ay hore ugula jirtay laacibkan uu siinayay inay laba sannadood ku kordhin karaan heshiiskiisa.
Patino oo heshiiskiisa Arsenal uu ku ekaa bisha June, ayaa waxa la sheegay in Real Madrid ay ka niyad-jabtay markii ay Gunners kordhisay heshiiskiisa waxaana burburay qorshahoodii ahaa inay Patino ku daraan jiilka da’yarta dahabka ah ee lagu ururinayo Santiago Bernabeu.