Ma Aha Finalka Oo Kaliya!! UEFA Oo Isbeddello Waaweyn Ku Samaynaysa Champions League & China Oo Laga Faraxsan Yahay

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu soo warramayaa in ay isbeddelo waaweyn ku samaynayaan tartanka UEFA Champions League, isla markaana uu noqon doono mid lagu ciyaaro qaarado kala duwan oo dunida ah.

Guddida fulinta ee UEFA ayaa yeeshay kulankoodii ka hor shirweynaha guud ee UEFA ee toddobaadkan, waxaana lasoo hordhigayaa ajandeyaal iyo qorsheyaal xuduudaha Yurub lagaga tallaabinayo kulamada Champions League oo ogolaanaya in qaarado kale la geeyo.

Qodobbada shirweynaha lagu eegayo ayaa waxa ka mid ah, in la kordhiyo dakhliga uu xidhiidhka kubadda cagta Yurub ka helo Champions League oo ah tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed, kaas oo sidoo kale sare loo qaadayo shacbiyaddiisa iyo in taageereyaal badan oo hore shaashadaha uga daawn jiray hadda fursad loo siiyo inay garoomada yimaaddaan.

Advertisements

Champions League oo hore loo sheegay in la kordhiyo tirada kooxaha ka qayb-gelaya marka la gaadho sannadka 2024, ayaa waxay xubnaha UEFA u codayn doonaan in kulmada qaarkood loo raro waddanka China oo lagu soo ciyaaro, hase yeeshee Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa isaguna taageereyaasha u sheegay, in ay doonayaan in kulamada qaarkood la geeyo dalalka bariga dhexe ee Carabta, iyadoo la ogyahay in Koobka Adduunka markii ugu horreysay uu imanayo Bariga Dhexe oo lagu dheelayo dalka Qatar.

Waxa kale oo la isla eegayaa, si aad ahna horeba ay xubnaha badankoodu isku fikir uga ahaayeen, in kulamada finalka Champions League qaarkood loo raro waddanka Maraykanka oo ah suuqa ay ciyaaraha Yurub doonayaan in ay galaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada