Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Ma Aha Busquets!! Xiddiga Hurdada U Diiday Xavi Hernandez Ee Sida Xorta Ah Uga Tegaya Barcelona

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
Xavi Oo Noqday Tababarihii Ugu Xumaa Taariikhda Casriga Ah Ee Barcelona Iyo Rikoodhada Fadeexadda Ah Ee Loo Diiwaangeliyey

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Heranndez ayaa ka walaacsan xaaladda xiddig ka tirsan naadigiisa oo uu ka baqayo inuu si xor ah uga tago marka uu dhamaado qandaraaskiisu, mana aha kabtanka shandaddiisa xidh-xidhay eer Sergio Busquets.

ADVERTISEMENT

Barcelona oo xagaagii €150 milyan oo Euro ku kharash garaysay saxeexyada Rober Lewandowski, Raphinha iyo Jules Kounde ayaa sidoo kalena qaab xor ah kula soo wareegtay Frenkie de Kessie, Marcos Alonso, Andreas Christensen iyo Hector Bellerin, hase yeeshee waxa ay la dhibatoonayaan sidii ay ugu qancin lahaayeen dhawr ciyaartoy in ay heshiisyo cusub saxeexaan.

Xavi ayaa muddooyinkii dambe si shaqsi ah iskugu dayay inuu ku qanciyo Busquets in uu sii joogo Camp Nou oo illaa haddana diiddan, hase yeeshee xiddiga kale ee walaaca ku haya waqtigan ayaa ah kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo hore iskaga diiday inuu qandaraas cusub oo mushahar dhimis ah saxeexo, sidoo kalena diiday in la iibiyo.

Wargeyska aadka looga akhristo Spain ee Relevo ayaa sheegay in Xavi Hernandez uu culays badan ku hayao xiddiga reer Nehterlands ee heshiis diidka iyo iibinta intaba iska diiday ee De Jong, waxaana uu ka baqayaa in laacibkani uu si xor ah uga tago Camp Nou.

ADVERTISEMENT

De Jong oo sannadkii 2019 ay Barcelona €75 milyan oo Gini kaga  soo iibsatay Ajax ayaa uu aad u xumaaday xidhiidhka ka dhexeeya maamulka Barcelona maarkii ay isku dayeen inay ku qasbaan inuu mushahar dhimis sameeyo amaba ogolaado in la iibiyo.

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Inkasta oo qandaraaskiisu uu soconayo illaa xagaaga sannadka 2026, haddana jariidadda Relevo waxay sheegtay in Xavi uu rumaysan yahay in uu 25 jirkani si xor ah ku tegi doono marka la gaadho waqtigaas, taasina walaac shaqsi ah ku hayso.

ADVERTISEMENT
Share348Tweet218
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.