Weeraryahankii reer Germany ee Jurgen Klinsmann ayaa garab maray dalkiisa, sidoo kalena iskaga maydhay Argentina, Brazil iyo France mar uu saadaaliyey dalka ku guuleysanaya Koobka Adduunka ee Axadda berri uu ka bilaabmayo waddanka Qatar.
Jurgen Klinsmann ayaa ku biiray halyeeyada kubdda cagta ee saadaalinaysa Koobka Adduunka, waxaana uu garab maray dhamaan xulalka waaweyn, waxaanu ka doortay dalka ay colaaddu guunka ah u dhaxaysay ee England.
Xulka qaranka England oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii, ayaa waxay ka mid yihiin dalalka aan la dhayalsan karin ee ku guuleysan karayo, iyadoo 2018 ay soo gaadhaan afar dhamaadka, halka Euro 2020 ay sidoo kale ay soo gaadheen finalka.
Jurgen Klinsmann oo waraysi siinaya wargeyska Daily Mail, ayaa yidhi: “Haddii aan eego Enlgand, waxay haystaan koox xooggan oo khibrad badan. Waxay samaynayaan horumar, sii heersare ahna way u ciyaareen Koobkii Adduunka Ruushka.”
Waxa kale oo uu Jurgen Klinsmann tilmaamay in England ay la heer tahay Germany, Brazil, Argentina iyo Spain, culays badanna uu saaran yahay dhamaan dalalkani.