Weeraryahanka xulka Uruguay Luis Suarez ayaa diiday inuu raaligeliyo xulka Ghana ka dib kubadii gacanta ku bixiyay waqtigii dhimashada kulankii wareega 8da ee Koobkii Adduunka ee 2010kii.
Iyadoo ciyaarta ay aheyd barbaro 1-1 ah islamarkaana la marayo daqiiqadii ugu danbeysay ee 30 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, Luis Suarez ayaa kubad gool aheyd oo shabaqa ku socotay labada gacmood ku bixiyay.
Suarez casaan ayuu qaatay halka Ghana loo dhigay rigoore, laakiin rigoorada waxaa qasaariyay Asamoah Gyan iyadoo Uruguay ay rigoore ku soo baxday una gudubtay semi-finalka.
Tan iyo waqtigaas Luis Suarez wuxuu noqday shaqsiga loogu neceb yahay dalka Ghana, inkastoo ay 12 sannadod ka soo wareegtay dadka reer Ghana weli ma ilaawin fursadii uu Suarez ka hor joogsaday maalintaas.
Labada kooxood ayaa haatan iska horimaanaya iyagoo kuwada jira Group H, taasoo qasab ka dhigtay in Suarez uu warbaahinta horyimaado.
Waxaana durbadiiba la weydiiyay haddii uu raaligelin ka bixinayo kubadii goolka aheyd ee uu labada gacmood ku badbaadiyay ee Ghana u diiday inay semi-finalka u gudbaan.
Joornaaliiste u dhashay Ghana ayaa ku yiri Suarez: “Qaar ka mid ah taageerayaasha Ghana waxay dareemayaa inaad tahay sheydaankii oo soo taagan. Waxay doonayaa inay ciyaaraha kaa fariisiyaan.”
Suarez ayaa ku jawaabay: “Raaligelin kama bixinayo inaan goolkaas gacanteyda ku badbaadiyay.
“Waa sax kubad ayaa gacanta ku badbaadiyay, laakiiin ciyaaryahanka Ghana ayaa qasaariyay rigoorada ee aniga ma qasaarinin.
“Malaha raaligelin waan bixin lahaa haddii aan ciyaaryahan dhaawici lahaa laakiin casaan ayaa qaatay, garsooraha rigoore ayuu yiri. Qaladkeyga ma ahan.”