Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Luis Figo Oo Magacabaay Shaqsigii Sababta U Ahaa Guul-darradii Xulka Portugal Ee Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
Luis Figo Oo Magacabaay Shaqsigii Sababta U Ahaa Guul-darradii Xulka Portugal Ee Koobka Adduunka

Wareeggii siddeedda Koobka Adduunka waxa lagu garaacay waddamadii ugu waaweynaa ee loo saadaalinayay inay Koobka ku guuleysanayaan, sida England, Netherlands, Portugal iyo Brazil, laakiin waxa khilaaf iyo hadal-hayn badan oo muddo soo taagnayd ay u raacday Portugal, taas oo sababteeda uu lahaa Cristiano Ronaldo.

ADVERTISEMENT

Xiddigo waaweyn oo xulalkan ah ayaa macasalaamaynaya koobka adduunka oo aan mar dambe ciyaari doonin, waxaana ka mid ah Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah, isla markaana aanu cimrigiisa ciyaareed ku simayn koobka afar sannadood kaddib la qaban doono. Sidoo kale, Thiago Silva, Dani Alves iyo xiddigo kale ayaa iyaguna tiirin doona kabaha kubadda ka hor inta aan la gaadhin Koobka Adduunka 2026.

Halyeygii xulka qaranka Portugal ee Luis Figo ayaa ka hadlay xurgufta ka dhax jirtay xulkiisa, waxaana uu si toos ah u tilmaamay shaqsiga iska leh eedda guul-darradii ay Morocco ugu xambaarisay siddeed-dhamaadka ee ay koobka kaga hadheen.

Portugal oo wareeggii 16-ka guul weyn oo 6-1 ah kasoo gaadhay Switzerland ayaa waxay ku hadhay gool mdi ah oo Morcco ay ka dhalisay, waxaana labadan ciyaaroodba kaydka kusoo bilowday Ronaldo oo ay isku dhaceen tababare Fernandeso Santos.

ADVERTISEMENT

Figo oo u warramayay wargeyska Sport ayaa la weydiiyey sida uu dalkiisu uga hadhay Koobka Adduunka iyo qofka eedda iska lahaa, waxaana uu ku jawaabay: “Koobka Adduunka kuma guuleysan kartid iyadoo Cristiano uu kaydka fadhiyo. In Cristiano Ronaldo la fadhiisiyo qalad ayay ahayd. Masuuliyadda guul-darrada waxa iska leh Fernando Santos.”

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
ADVERTISEMENT
Share495Tweet309
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.