Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Luis Enrique Oo SADDEX Shuruudood Ku Xidhay Inuu Tababare Ka Noqdo Atletico Madrid Oo Uu Ka Tegayo Simeone

by Abdiwahab Ahmed
January 18, 2023
0
Luis Enrique Oo SADDEX Shuruudood Ku Xidhay Inuu Tababare Ka Noqdo Atletico Madrid Oo Uu Ka Tegayo Simeone

Tababarihii hore ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa shuruudo ku xidhay inuu Atletico Madrid ka beddelo Diego Simeone oo la sheegay inuu ka  tegi doono kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Enrique oo bishii December iska casilay xilka Spain markii ay kasoo hadheen Koobka Adduunka, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa shaqooyin badan, iyadoo Arbacadiina uu tababare Diego Simeone caddeeyey in aanay cidina ka dalbanin inuu ka tago Atletico Madrid, laakiin wararka la helayo ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in aanu sii joogin haddii xilli ciyaareedkani u noqdo mid aanay wax koob ah ku guuleysanin.

Maamulka Atletico Madrid ayaa la sheegay in ay aad u doonayaan in Luis Enrique uu noqdo tababaraheeda cusub, iyaga oo qorshahoodu yahay inay isbeddel ciyaareed sameeyaan si ay horyaalka  ugu tartami karaan.

Sida uu qoray wargeyska Fichajes, Enrique ayaa saddex  shuruudood ku xidhay inuu noqdo tababaraha Atletico Madrid, waxaanay dhamaantood yihiin in ciyaartooyo cusub lagu soo kordhiyo naadiga.

ADVERTISEMENT

Enrique ayaa waxa uu ka dalbanayaa Atletico inay Wanda Metropolitano keenaan difaac dhexe oo horumar  ku samayn kara qaab-ciyaareedka afarta  dambe ee hadda dagaalka kaliya shaqadoodu tahay, hal-abuure khad dhexe oo sidoo kale kubbad-buburiye ah, iyo shuruudda ugu dambaysa oo ah weeraryahan orod badan oo ku fiican dhalinta goolasha.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

Waxa la sheegayaa in uu jeclaan lahaa in Atletico ay la saxeexato Mikel Oyarzabal ama Dani Olmo, sidoo kalena Ferran Torres oo ay isku cindan yihiin inanta uu dhalay ayaa isaguna ku jira ciyaartoyda uu danaynayo.

ADVERTISEMENT
Share322Tweet202
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.