Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Luis Enrique Oo Magacaabay Xulka Uu La Doonayo Koobka Adduunka Kaddib Markii Ay Morocco Reebtay Dalkiisa Spain

by Abdiwahab Ahmed
December 13, 2022
0
Enrique Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Inay Galmo Sameeyaan U Ogol Yahay Xiddigaha Spain Inta Koobka Aduunku Socdo

Tababarihii xulka qaranka Spain ee toddobaadkii hore iscasilay ee Luis Enrique ayaa shaaciyey xulka uu la doonayo inuu ku guuleysto Koobka Adduunka mar haddii uu dalkii uu hoggaaminayay ee Spain ka hadhay.

ADVERTISEMENT

Luis Enrique ayaa waxa xulkiisa Spain ay ku hadheen wareeggii 16ka, waxaana rikoodheyaal ku garaacday Morocco oo wareeggii xigay ee siddeeddana ku reebay Portugal, isla markaana Arbacada la  ballansan Faransiiska oo ay semi-finalka isku haleelayaan.

Enrique ayaa waxa uu caawa daawan doonaa kulanka adag ee Argentina iyo Croatia, waxaana uu qalbigiisu raacsan yahay ciyaartoydii uu hore tababaraha ugu soo noqday, waana Lionel Messi iyo xulkiisa Argentina oo uu mar kale ku celiyey inuu la doonayo inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.

Enrique oo ka hadlaayay bartiisa Twitch ayaa waxa uu sheegay in xiddiga Argentina ee uu hore usoo tababaray uu la doonayo Koobka Adduunka, maadaama dalkiisa Spain uu ka baxay tartanka, waxaanu yidhi:  “Waxa aan jeclaan lahaa in Leo Messi uu ku guuleysto Koobka Adduunka, sababtoo ah qiimaha uu ku leeyahay [Messi] kubadda cagta.”

ADVERTISEMENT

Ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka ayaa waxa la weydiiyey Luis Enrique dalka uu jeclaan lahaa in uu ku guuleysto Koobka Adduunka,  waxaana uu waqtigaas ku jawaabay: “Haddii aanay Spain ku guuleysan, waxa aan jeclaan lahaa in Argentina ku guuleysato sababtoo ah Messi. Caddaalad-darro ayay noqon doontaa haddii Messi uu ka fadhiisto ciyaraha isaga oo aan ku guuleysanin Koobka Adduunka.”

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share390Tweet244
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.