Tababarihii dhowaanta iska casilay xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa durba helay shaqo cusub oo tababarenimo oo uu u laylinayo mid ka mid ah xulalka ugu awoodda badan dunida. Enrique ayaa la sheegay inay dalabyo badan soo gaadhayeen oo uu kala xulanayo.
Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa laa sheegay inuu la xidhiidhay Luis Enrique si uu ugu noqdo beddelka Tite oo isaguna ka degay xilka markii ay wareegga siddeedda kaga hadheen Koobka Adduunka oo ay Croatia ku garaacday rikoodheyaal.
Wargeyska O Globo ee kasoo baxa Brazil ayaa sheegay in Luis Enrique uu ka mid yahay liiska tababareyaasha uu xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi kala dooranayo, isla markaana uu yahay kuwa ugu horreeya ee kalsoonida ugu badan ka haysta xidhiidhka.
Waxa kale oo liiska tababareyaasha Brazil ay doonayso ku jira Zinedine Zidane oo hore loo filayay inuu Didier Deschamps kala wareegi doono xulka qaranka Faransiiska laakiin ay hadda soo baxayaan in ay kala aragti duwan yihiin, taasina keenayso in Deschamps loo kordhiyo heshiiska.
Thomas Tuchel oo shaqo la’aan ahaa bilihii ugu dambeeyey markii ay Chelsea shaqada ka caydhisay iyo Gallardo ayaa iyaguna ku jira liiska, balse labada shaqsi ee ugu cadcad ee midkood laga yaabo in Brazil uu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay Luis Enrique iyo Zinedine Zidane.