Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

LIXDII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Ee Guusha Isku Qoray & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool & Aston Villa

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
LIXDII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Ee Guusha Isku Qoray & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool & Aston Villa

Liverpool ayaa guul ay aad ugu baahnayd kasoo gaadhay Aston Villa oo ay 3-1 kusoo garaacday, waxaanay kusii negaadeen kaalintooda lixaad inkasta oo ay shan dhibcood usoo jirsadeen Tottenham oo kaalinta afraad fadhida.

ADVERTISEMENT

Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Bajcetic ayaa dhaliyey goolasha liverpool, waxaanay yeesheen 25 dhibcood, halka Tottenham oo afraad ku jirtaana ay leedahay 30 dhibcood, halka Man United oo shanaad ku jirta ay dhibic kaliya ka dambeeyaan inkasta oo Red Devils ay Salaasada la ciyaarayso Nottingham Forest.

Lixdii rikoodh ee ciyaarta

  • Liverpool ayaa saddex ciyaarood oo xidhiidh ah oo Premier League ah guuleysatay markii ugu horreysay tan iyo dhamaadka xilli-ciyaareedkii hore ee 2021-22. Xilli ciyaareedkan ma aanay dhicin in marnaba ay saddex kulan oo isku xiga oo horyaalka ah guuleysteen, balse caawa ayay taas xaqiijiyeen.
  • Difaaca Liverpool ee Andrew Robertson ayaa sameeyey caawintiisii 54aad ee horyaalka Premier League, waxaanu sidaas ku noqday difaacii ugu caawinta badnaa taariikhda horyaalka Premier League.
  • Mohamed Salah ayaa goolkiisii 55aad ee horyaalka Premier League ah ku dhaliyey meel ka baxsan Anfield. Waxa uu sidaa ku barbarreeyey rikoodhkii Michael Owen oo ahaa laacibka goolasha ugu badan martida ugu dhaliyey Liverpool.
  • Xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins ayaa dhaliyey goolkiisii shanaad ee Premier League ah ka dhaliyey Liverpool, waana kooxda ugu badan ee uu goolasha ka dhaliyey.
  • Stefan Bajcetic oo ay da’diisu tahay 18 sannadood iyo 65 maalmood ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee ugu da’da yaraa ee Liverpool u dhaliya gool horyaalka Premier League ah. Waxa kaliya oo goolal dhaliyey iyaga oo ka da’yaraa Michael Owen iyo Raheem Sterling.
  • Ben Doak ayaa kursiga kaydka  kasoo kacay oo Liverpool u ciyaaray kulankiisii koowaad ee horyaalka Premier League ah, waxaanay da’diisu jirtaa 17 sannadood iyo 45 maalmood. Waxa uu sidaa ku noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee reer Scotland ah ee safta kulan Premier League ah.

Xiddigii garoonka

Mohamed Salah oo dhaliyey goolka koowaad, midka labaadna caawiye ka noqday waxa uu sidoo kale helay fursado badan oo uu goolal u beddeli karayay. Saamayntiisa ciyaarta iyo goolasha uu dhaliyey ayaa ka dhigtay xiddigii ugu fiicnaa isku-darka ciyaartoyda labada kooxood. Waxa uu helay qiimayn darajadeedu ahayd 8, waxaanay isku mid ahaayeen Van Dijk iyo Robertson hase yeeshee waxa uu xiddignimada garoonka kaga qaaday goolka iyo caawinta uu isku darsaday.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Aston Villa: Olsen (7), Young (7), Konsa (6), Mings (6), Digne (7), Luiz (7), Kamara (7), McGinn (7), Buendia (7), Watkins (7), Bailey (6).

ADVERTISEMENT

Beddelka: Ings (n/a), Coutinho (n/a), Dendoncker (n/a).

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Liverpool: Alisson (7), Alexander-Arnold (7), Matip (6), Van Dijk (8), Robertson (8), Fabinho (7), Thiago (6), Henderson (7), Oxlade-Chamberlain (6), Nunez (7), Salah (8).

Beddelka: Elliott (6), Keita (6), Gomez (6), Bajcetic (8), Doak (n/a).

ADVERTISEMENT
Share304Tweet190
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.