Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

LIXDII Gool Ee Ugu Dambeeyey Koobka Adduunka, Dhaliyaha Qatar Ee Naxashka Lagu Qaaday Iyo Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Caawa Laga Diiwaangeliyey Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 25, 2022
0
LIXDII Gool Ee Ugu Dambeeyey Koobka Adduunka, Dhaliyaha Qatar Ee Naxashka Lagu Qaaday Iyo Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Caawa Laga Diiwaangeliyey Koobka Adduunka

Ciyaartii barbarraha kusoo dhamaatay ee Netherlands iyo Ecuador waxay xaalad adag gelisay Group-ka A ee Koobka Adduunka, waxaana isku dheggan saddex dal oo dhamaantood rajadoodu ku xidhan tahay ciyaarta ugu dambaysa, hase yeeshee martigeliyeyaasha ayaa sagxadda tegay oo macasalaameeyey tartanka.

ADVERTISEMENT

Holland ayaa gool uu u dhaliyey Cody Gakpo la hormartay ciyaarta, waxaase ka daba yimid Enner Valencia oo goolka barbarraha oo uu taariikh cajiib ah ku sameeyey u dhaliyey Ecuador.

Weeraryahankan hore ee West Ham, ayaa waxa uu noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan Koobka Adduunka ee ka socda Qatar, waxa kale oo uu sameeyey taariikh layaableh oo aanay jirin cid kale oo la wadaagta ee ku sugan waddanka Qatar.

Enner Valencia oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa waxa taariikhda cajiibka ah ee loo diiwaangeliyey ay tahay inuu dhaliyey lixdii gool ee ugu dambeeyey ee dalkiisa Ecuador uu ka dhaliyo Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Sannadkii 2014 ayuu Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Brazil ka dhaliyey saddex gool inkasta oo ay wareeggii koowaad ku hadheen, haddana waxa labadii ciyaarood ee Qatar iyo Holland ee uu dheelay uu ku dhaliyey saddex gool, taas oo ka dhigan in dhamaan lixdii gool ee ugu dambeeyey ee dalkiisu uu ka dhaliyey Koobka Adduunka uu saxeexay Enner Valencia.

Sidoo Kale Akhri

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023
DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023

Sannadkii 2018 ayaanu xulka qaranka Ecuador usoo bixin Koobka Adduunka, waxaana uu Valencia ka maqnaa fagaaraha uu hadda ka yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan.

Kaddib markii uu taariikhdan sameeyey, Enner Valencia oo ah ciyaartoyga hoggaaminaya kabta dahabka ah ee Koobka Adduunka ee Qatar, waxa soo gaadhay dhaawac sababay in garoonka lagaga dhax qaado naxash, waxaana la filayaa in 24ka saacadood ee soo socda ay dhakhaatiirtu war buuxa  kasoo saaraan xaaladda dhaawaciisa.

ADVERTISEMENT
Share346Tweet216
ADVERTISEMENT

Related Posts

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi...

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.