Real Madrid ayaa ciyaar aad u liidata iyo guul-darro isku-darsatay ciyaartii ay martida ugu ahaayeen Villarreal oo kaga badisay 2-1. Los Blancos ayaa iska lumisay fursad ay saddex dhibcood kaga horreyn lahayd Barcelona, halka Villarreal ay si weyn usoo kacday oo ay booska shanaad timid.
Pino iyo Moreno ayaa u dhaliyey labada gool ee Villarreal siiyey guushan, halka Real Madrid uu rikoodhe aanay wax kale raaciin uu u dhaliyey Karim Benzema.
Lixdii dhacdo ee ciyaarta
1. Fursaddii ugu fiicnayd: Coquelin ayaa cidhib kusii taabtay kubbad uu ka helay Gerard Moreno, waxaanay dhaaftay goolhaye Courtois, waxayse ku dhacday birta iyada oo ciyaartoyda Villarreal ay dabbaal-deg isku diyaariyeen.
2. Goolkii furitaanka: Qalad uu sameeyey Mendy oo baas qaldan u dhiibay Parejo ayuu Gerard usii dhiibay Pino oo gool u beddelay. Mendy ayaa isku dayay inuu qaladkiisa saxo, balse waa la saaray waxyar kaddib.
3. Rikoodhihii layaabka lahaa: Real Madrid ayaa loo dhigay rikoodhe u muuqanayay mid layaab leh. Uma aanay muuqanin kubaddu inay ku dhacday gacanta Foyth, laakiin VAR ayaa laga soo hubiyey, waxaanu garsooruhu beddelay go’aankiisii hore isaga oo dhigay rikoodhe.
4. Goolkii madiga ahaa: Karim Benzema ayaa gool u beddelay rikoodhaha Madrid, isaga oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Reina. Goolkan ayuu Benzema ku barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta Alfredo di Stefano ee 227 gool oo horyaalka LaLiga ah. Waxa kaliya oo hadda ka goolal badan Cristiano Ronaldo.
5. Rikoodhihii iyo jawaabtii degdegga ahayd: Foydh ayaa u muuqanayay inuu kubadda u dhiibayay Gerard, laakiin waxa ay ku dhacday gacanta Alaba oo dhulka ku dhacay balse sii kacayay. Sidaas ayaa rikoodhe loogu dhigay.
6. Daqiiqaddii dabbaal-degga: Gerard Moreno ayaa dhinaca qaldan u diray Courtois oo hoggaanka usoo celiyey kooxdiisa, waxaanay sidaas ku heleen libinta.
Saddexdii ciyaartoy ee sababta u ahaa guul-darrada Real Madrid
Waxay ahaayeen kuwo liita, waxay yihiin kuwa ay taageereyasha Real Madrid dusha u saarayaan eedda guul-darrada. Mendy ayaa qalday kubbadda lagaga dhaliyey goolka koowaad, sidoo kalena Alaba ayaa galay rikoodhaha mar kale ay Villarreal hoggaanka kusoo ceshatay. Waxay ahaayeen labada ciyaartoy ee ugu liita, balse waxa la wadaagayay Aurelien Tchouameni oo ku dhax haftay garoonka.
Xiddigii garoonka
Gerard Moreno ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana uu ka qaaday Parejo oo ahaa laacibka labaad ee ugu wanaagsan. Inkasta oo ay isku qiimayn ahaayeen, haddana Moreno waxa uu ahaa libaaxa dhaliyey rikoodhaha, sidoo kalena caawiyey goolka koowaad.
Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood
Villarreal: Reina 7; Foyth 7, Albiol 7, Pau Torres 6, Alberto Moreno 6; Coquelin 7, Parejo 8, Alex Baena 7; Chukwueze 6, Gerard Moreno 8*, Yeremy Pino 7.
Kaydka: Pedraza 6, Morales 6, Danjuma 5, Trigueros 6.
Real Madrid: Courtois 6; Eder Militao 6, Rudiger 6, Alaba 5, Mendy 5; Kroos 6, Tchouameni 5, Modric 6; Valverde 6, Benzema 7, Vinicius Jr 7.