Khubarada iyo taageereyaasha kubadda cagtuba waxay hadda kusii dhow yihiin inay isku raacaan, in Arsenal ay ku guuleysanayso horyaalka Premier League, waxaanay aragtiyihii shakiga lagu gelinaya meesha ka baxeen markii ay Gunners 2-0 ku karbaashtay Tottenham ciyaartoodii north London derby.
Hugo Lloirs ayaa uu ahaa midka qaladka xun sameeyey ee goolka iska dhaliyey ka hor darbaddii xoogganayd ee Martin Odegaard ee guusha sida dhabta ah ay ugu xaqiiqsatay kooxda tababare Mikel Arteta.
Gunners waxay xilli ciyaareedkan socda lumisay toddoba dhibcood oo kaliya, waana hal kulan oo laga badiyey iyo laba ay barbarro gashay. 18 ciyaarood oo ay dheeshay ayay Gunners badisay 15 ka mid ah, laba barbarro ay gashay iyo mid ay Manchester United ka adkaatay.
Inkasta oo ay waqti hore tahay in horyaalka loo cumaamado, haddana waxa meesha ka baxday dooddii ahayd ‘Arsenal kuma guuleysanayso horyaalka’.
20 ciyaarood ayaa Arsenal u hadhsan, waxaana lix ka mid ah ay yihiin kuwa u go’aaminaya inay horyaalka ku guuleysato ama ay natiijadoodu noqon doonto kuwa sababa in Gunners ay lumiso hoggaanka oo ay is-dhiibto. Waxay lixdan ciyaarood ka bilaabmayaan Axadda toddobaadkan oo garoonka Emirates Stadium ay kusoo dhoweyn doonaan Manchester United. Ciyaartan oo ay guuleystaan ayaa tallaabo weyn noqon doonta.
Laba ciyaarood oo isku-xiga oo Manchester City ayaa iyaguna ah kuwa aadka isha loogu hayo maadaama aanay illaa hadda iska hor imanin kooxda horyaalka difaacanaysa oo ciyaartoodii hore ay baaqatay. Kulamada kale ee adag ee sugaya waxa ka mid ah Liverpool iyo Newcastle United, halka naadiga la magaalada ah ee Fulham ay iyaduna taxadarkeeda leedahay.
Wargeyska Daily Mirror ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay lix ciyaarood oo uu ku sheegay kuwa guusha Arsenal ee xilli ciyaareedku ay ku xidhan tahay, kuwaas oo haddii ay dhamaantood guuleysato aanay cidina ku qabsan doonin horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan
Halkan kaga bogo lixda kulan ee Arsenal ay ugu guuleysan karto horyaalka ama ku waayi karto:
Arsenal vs Manchester United – Emirates Stadium – 23/01/2023
Arsenal vs Man City – Emirates Stadium – 15/02/023
Aston Villa vs Arsenal – Villa Park – 18/02/2023
Liverpool vs Arsenal – Anfield – 08/04/2023
Man City vs Arsenal – Etihad Stadium – 26/04/2023
Newcastle vs Arsenal – St James’ Park – 06/05/2023