Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

LIX Min Labo Ah, 500 Ciyaarood & Foden-Haaland: Taariikhda Layaabka Leh Ee Man City Loo Diiwaangelinayo Ciyaarta Man United Ee Sabtida

by Abdiwahab Ahmed
January 11, 2023
0
LIX Min Labo Ah, 500 Ciyaarood & Foden-Haaland: Taariikhda Layaabka Leh Ee Man City Loo Diiwaangelinayo Ciyaarta Man United Ee Sabtida

Kulankii labaad ee Manchester Derby ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan ayaa Sabtida qabsoomaya, waxaana la sugayaa  in ay dhacaan waxyaabo waaweyn sidii horraantii xilli ciyaareedkan oo kale, markaas oo ay Manchester City geysatay xasuuq.

ADVERTISEMENT

United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweyn doonta Man City, waxaana uu Erik ten Hag isku diyaarinayaa aargoosi, laakiin Pep Guardiola ayaa isaguna samayn doona rrikoodh taariikhi ah haddii ay kooxdiisu hesho saddexda dhibcood.

Citizens ayaa si dhab ah loogu diiwaangelin doonaa inay tahay kooxda ka dhalisa magaalada Manchester, iyada oo meesha ka saari doonta wax kasta oo hore uga diiwaangashanaa isku-dhacooda. Ka sokow taariikhda ay samaynayaan, waxa kale oo ay barbarrayn doonaan rikoodho in ka badan 67 sannadood soo taxnaa.

Manchester City ayaa haddii ay guuleysato ciyaartan, waxay u noqon doontaa xilli-ciyaareedkii lixaad ee ay labadii kulanba garaacdo Manchester United, taas loogu diiwaangelin doono inay tahay kooxdii ugu weynayd ee ay City sidaa u bahdisho taariikhdeeda.

ADVERTISEMENT

Kulankii sagaalka gool la iska dhaliyey ee ay Man City 6-3 kusoo xasuuqday Manchester United ee Etihad Stadium ee  horraantii xilli ciyaareedka, waxa min saddex gool saxeexay Phil Foden iyo Erling Haaland. Haddii ay laba gool oo kale dhaliyaan labadoodu, waxay barbarrayn doonaan rikoodh taariikhi ah iyaga oo noqon doona ciyaartoygii goolasha ugu badan ka  dhaliyey Man United hal xilli-ciyaareed gudihii tan iyo sannadkii 1955kii.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Pep Guardiola ayay isagana u tahay maalin taariikhi ah, waxaana u buuxsamaya 500 ciyaarood oo uu tababare yahay. Waxa uu doonayaa inuu ugu dabbaal-dego guul uu ka gaadho Manchester United.

ADVERTISEMENT
Share316Tweet198
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.