Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

LIX Ciyaartoy Oo Si Xor Ah Uga Tegaya Real Madrid & Shaqada Adag Ee Sugaysa Carlo Ancelotti

by Abdiwahab Ahmed
December 20, 2022
0
Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Real Madrid Markii Uu Saaka Yimid Casemiro Oo Xalay Heshiis Usii Saxeexay Manchester United

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayay u taallaa shaqo adag oo qayb ka mid ah ay tahay inuu qabto tababare Carlo Ancelotti oo culayska la qaybsan doona Florentino Perez. Khaladaad ay samaysay Real Madrid sannadihii ugu dambeeyey ayaa hadda ku keenaya culays weyn, sababtoo ah waxay dib u dhigeen in ay miiska  la fadhiistaan ciyaartoydooda waqtiga qandaraaskoodu dhamaadka ku dhow yahay.

ADVERTISEMENT

Real Madrid ayaa waxay 12ka maalmood ee foodda inagu soo haya geli doontaa mashquul badan oo ay isku dayi doonto inay ku qanciso lix ciyaartoy oo kooxda koowaad ah in ay heshiisyo cusub saxeexaan, balse dhamaantood ma wada aha inay sii joogayaan, waxayse Los Blancos raadinaysaa heshiis iyo dariiq nabad-gelyo oo aanu khilaaf ka dhalan oo ay iskaga dirayso qaar ka mid ah lixdaas ciyaartoy.

Shan ka mid aha lixdan ciyaartoy ayay Real Madrid u bandhigaysaa qandaraasyo cusub, waxaana walaaca ugu badan uu ka haystaa laba xiddig oo aan la ogeyn waxa ay yeeli doonaan. Midkood ayaa waliba sii daran oo ay suurtogal tahay inuu istaago meel adag, waana Marco Asensio oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain oo maarar kala duwan sheegay inuu doonayo inuu sii joogo balse aan wali ogolaanin inuu heshiis cusub saxeexo, isaga oo saluugsan boos la’aanta ku haysata Santiago Bernabeu ayay Real Madrid doonaysaa inay ku qanciso inuu qalinka qaato oo uu heshiis cusub saxeexo.

ADVERTISEMENT

Sidoo kale, Luka Modric, Toni Kroos iyo Nacho Fernandez ayaa iyagana qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana Modric iyo Nacho ay u dhego nuglaan doonaan Perez, iyadoo la filayo inay saxeexi doonaan heshiisyo cusub, balse Toni Kroos oo la sheegayo inay suurtogal tahay inuu ka fadhiisto gebi ahaanba kubadda cagta ayaa u baahan in Carlo Ancelotti uu si toos  ah ula  hadlo oo uu ku qanciyo inuu kusii jiro garoomada oo uu waliba Real Madrid usii ciyaaro.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Dani Ceballos oo khadka dhexe boos la’aan ku ah ayaa isagana uu qandaraaskiisu gabogabo yahay, waxaana laga yaabaa in haddii lagu qancin kari waayo inuu heshiis cusub saxeexo, in la iibiyo bisha January ee maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.

Mariano Diaz oo isagana waqtiga heshiiskiisa Real Madrid ay lix bilood ka  hadhsan yihiin ayay maamulka kooxdu doonayaan inuu iskaga tago naadiga, waxaanay isku dayi doonaan inay si xor ah ku bixiyaan haddii iib lagu waayo.

ADVERTISEMENT
Share349Tweet218
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.