Liverpool Oo Xiddig 130 Milyan Iibsaneysa & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Maanta Oo Khamiis Ah

Wargaysyada

Liverpool ayaa loo sheegay inay miiska soo saarto 130 milyan ginni haddii ay la wareegayaan xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska iyo Borussia Dortmund 18 jirka Jude Bellingham. Waxaa xiddigaan sidoo kale dooneysa Manchester United. (The Athletic)

Xiddiga khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong ayaa sheegay inuu mar walba doonayay inuu joogo Barcelona ka dib markii uu xagaagii iska diiday inuu hishiis 65 milyan ginni ugu wareego Manchester United. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Juventus Manuel Locatelli oo 24 sanno jir ah ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Arsenal. Xiddiga Talyaaniga ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito tababare Max Allegri tan iyo markii uu 30 milyan ginni uga soo wareegay Sassuolo. (Calciomercato)

Advertisements

Arsenal ayaa xiriir la sameysay kubadsameeyaha khadka dhexe ee Eintracht Frankfurt 22 sanno jirka Jesper Lindstrom, iyagoo doonaya 17 milyan ginni kula soo wareegaan xiddiga reer Denmark bisha Janaayo. (Bild)

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Flamengo ayaa sheegay inaan wax dalab ah laga soo gudbinin 21 sanno jirka Joao Gomes, iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Brazil lala xiriirinayo Liverpool iyo Manchester United. (ESPN)

Kooxaha Manchester United, Southampton, Leeds United iyo Arsenal ayaa ku guuldareystay inay bixiyaan lacagtii ay PSV Eindhoven dul dhigtay xiddiga garabka ka ciyaara ee Netherlands 23 sanno jirka Cody Gakpo. (Voetbal)

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets ayaa diyaar u ah inuu u wareego kooxda Mareykanka ee Inter Miami ee uu leeyahay David Beckham marka uu Barca ka tago xagaaga danbe. (Sport)

Qandaraaskii labada sannadood ee uu Ousmane Dembele u saxiixay Barcelona bishii July waxaa ku jirta qodob dhigaya in hishiiskiisa lagu burburin karo 50 milyan euro wixii ka bilowda xagaaga danbe. Dembele ayaa sidoo kale qaadan doona kala bar lacagtaas madaama uu Barca u cafiyay lacagtii hishiiska. (L’Equipe)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada