Tababare Jurgen Klopp ayaa war wanaagsan helay kahor kulanka adag ee Carabo Cup ee ay Khamiista la ballansan yihiin Manchester City.
Warkaas ayaa ah in saddexleyda kala ah Trent Alexander-Arnold, Alisson Becker iyo Fabinho ay kusoo laabteen tababarka, dhammaan saddexda xiddig ayaa wareega siddeeda kaga hadhay Koobka aduunka.
Jimcihii ayay ahayd markii Jurgen Klopp uu shaaca ka qaaday in xiddigaha tababarka uga soo muuqday dhammaan ay diyaar u yihiin kulanka Man City xilli daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk isagu wali maqan yahay oo taam ahaanshihiisa ka shaqaynayo.
Si lamid ah Van Dijk, sidoo kale Reds waxa ka maqan Ibrahima Konate oo Finalka Koobka aduunka ku metelay dalkiisa France Axadii.
Waxa xiddigahaas kasoo horreeyay kabtan Jordan Henderson oo isagu u safray dalka Qatar oo ay wakhtigaas ku sugnaayeen xiddigaha kooxdiisu.
Sidoo kale waxa tababarkaas kasoo muuqday xiddigaha kala ah Mohamed Salah, Roberto Firmino, Diogo Jota iyo Thiago.