Liverpool ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay diiwaangelinta saxeexa cusub ee Cody Gakpo, waxaana loo ogolaadaya inuu u ciyaaro kulanka Wolves ee Sabtida ee FA Cup, taas oo culays badan ka dejinaysa Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay guul-darro xanuun kulul Isniintii kala soo kulantay Brentford oo ku garaacday 3-1.
Reds ayaa Arbacadii xaqiijisay inay la saxeexatay Gakpo, isla markaana loogu diiwaangeliyo inuu yahay ciyaartoy cusub oo Liverpool ah, taas oo ay maanta dhamaystireen.
Labadii kulan ee Leicester City iyo Wolves ayuu daawanayay isaga oo aan rasmi ahaan ugu diiwaangashanayn Liverpool inkasta oo ay kasoo bixiyeen £37 milyan oo Gini oo ay u shubeen PSV Eindhoven.
Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu martigelin doonto Wolves wareegga saddexaad ee FA Cup oo ayaa u dagaallami doonta inay kusoo laabato jidka guusha, waxaana suurtogal ah in Gakpo uu kusoo bilowdo garabka bidix ee weerarka iyadoo ay Darwin Nunez iyo Mohamed Salah wehelinayaan.
Gakpo ayaa waayihiisa Premier League uu bilaabmayaa maanta oo Salaasa ah oo diiwaangelintiisa la dhamaystiray, waxaana uu sidaas kusoo afjaray 14 ciyaarood oo Eredivisie ah oo uu usoo saftay PSV Eindhoven oo uu usoo dhaliyey sagaal gool iyo 12 kale oo uu caawiyey.