Aston Villa ayaa diyaar u ah inay suuqa January iibiso Philippe Coutinho sanad kaddib markii uu kusoo biiray. (Football Insider)
Villa tababaraheeda Unai Emery ma doonayo inuu la shaqeeyo goolhaye Emiliano Martinez wuxuuna diyaar u yahay inuu suuqa January iibiyo.(Fichajes – in Spanish)
Liverpool ayaa iska dhiibi karta tartanka saxeexa khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo ay aaminsan tahay inuu yahay mid aad u adag. (AS – in Spanish)
Atletico Madrid ayaa heshiis ilaa 2027 ah la gaadhay daafaca Leicester City ee Caglar Soyuncu, wuxuu ku biiri karaa suuqa January walow uu xagaaga dambe uun xor noqonayo. (Nicolo Schira)
Chelsea ayaa ah kooxda booska ugu wanaagsan u joogta saxeexa Declan Rice oo 18kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa West Ham galaya. Athletic – subscription required)
Chelsea ayay tahay inay daafaca ugu qaalisan taariikhda ka dhigto daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol haddii ay January doonayso saxeexiisa. (Football London)
Chelsea ayaa ka shaqaynaysa saxeexa daafaca dhexe ee Monaco ee Benoit Badiashile. (Athletic – subscription required)
Liverpool iyo Tottenham ayaa kamida kooxaha Premier League ee diyaarka u ah inay dalabaad ka gudbiyaan daafaca dhexe ee Inter Milan ee Milan Skriniar. (Teamtalk)
Luis Suarez ayaa heshiis laba sano ah ugu biiraya kooxda ree Brazil ee Gremio. (Cesar Luis Merlo, via Mail)
Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay kooxaha Premier League amaah ku siiso Joao Felix haddii ay diyaar u yihiin inay dhaqaalihiisa oo dhan daboolaan. (Mirror)
Angers khadkeeda dhexe ee Azzedine Ounahi oo kamid ahaa xiddigaha Morocco ugu muhiimsan ayaa sheegay inuusan wali mustaqbalkiisa go’aamin xilli ay xiisaynayaan Leicester, Leeds United iyo West Ham. (Goal)
Tottenham ayaa xiiso u helaysa xiddigaheeda da’yarta ah ee Bryan Gil iyo Pape Sarr kahor suuqa January. (Relevo, via Mail)
Tottenham ayaa mudo dheer la dhacsanayd Adama Traore balse tababaraha cusub ee Wolves ee Julen Lopetegui ayaa doonaya inuu heshiis cusub saxeexo xilli qandaraaskiisii hore xagaaga dhacayo. (90min)
Leicester tababaraheeda Brendan Rodgers ma filanayo inay kooxdu suuqa January iibiso James Maddison. (90min)
Newcastle United ayaa horumar ka samaysay inay heshiis cusub oo uu toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo ka saxeexato Bruno Guimaraes. (Football Insider)
Benfica ayaa heshiis cusub oo laba sano ah u bandhigtay Nicolas Otamendi, 34 sano jirka ree Argentina oo heshiiskiisa Benfica xagaaga ku eeg yahay ayaa doonaya inuu horyaalada Yurub sii joogo. (Fabrizio Romano)
Marcos Alonso ayaa ku dhaw inuu heshiis kordhin laba sano ah u sameeyo Barcelona oo uu xagaagii uun kusoo biiray. (Mundo Deportivo – in Spanish)