Liverpool Oo Looga Digay Inay La Saxeexato Laba Ciyaartoy Oo Uu Calmaday Tababare Jurgen Klopp

Halyeyga Liverpool ee Steve McManaman ayaa uga digay tababare Jurgen Klopp in uu la saxeexdo laba ciyaartoy oo uu danaynayo oo ah Douglas Luiz iyo Youri Tielemans oo la sheegayo in Liverpool ay doonayso inay bisha January ama xagaaga sannadka dambe ay u dhaqaaqdo sidii ay ula soo wareegi lahayd.

Liverpool oo dhibaato khadka dhexe ahi ku habsatay markii ay dersin ciyaartooyo ahi ka dhaawacmeen, ayaa waxay ku qasbanaatay in ay Juventus amaah kaga soo qaadato laacibka reer Brazil ee Arthur Melo oo isagana ay saluugsan yihiin.

Reds ayaa waxay wali xiisaynaysaa laacibka da’da yar ee reer England ee Jude Bellingham ee u ciyaara Borussia Dortmund, waxaana uu Steve McManaman doonayaa in aanay Liverpool u dhaqaaqin Luiz oo dhamaadka xilli ciyaareedka xor ka noqonaya Aston Villa, isla markaana ay maalintii ugu dambaysa suuqii xagaaga ay Arsenal ku guul-darraysatay saxeexiisa.

Advertisements

Tielemans ayaa isaguna bisha June xor ka noqon doona Leicester City oo ay Liverpool ku heli karaysaa si bilaash ah, iyadoo horena loola xidhiidhiyey inay la saxeexanayaan, hase yeeshee Steve McManaman waxa uu dareensan yahay in labadan ciyaartoy aanu midkoodna lahayn tayadii iyo xooganaantii uu Klopp uga baahnaa khadka dhexe ee Liverpool.

“Douglas Luiz iyo Youri Tielemans waa laba ciyaartoy oo ku wanaagsan Premier League, laakiin ma rumaysni in ay ku fiican yihiin Liverpool. Kuma qanacsani in Liverpool ay u fiican tahay in ay u dhaqaaqdo Douglas Luiz marka laga yimaaddo qanndaraaskiisa, waa ciyaaartoy wanaagsan laakiin wuxuu u baahan yahay in uu waxyaabo badan dedejiyo, si uu ula jaan-qaado kubadda Liverpool.” Ayuu yidhi Steve McManaman.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey: “Youri Tielemans qandaraaskkiisu isagana waxa uu dhacayaa xilliga Luiz oo kale, laakiin haddii aad doonayso in aad la ciyaarto kooxaha ugu wanaagsan Yurub, waxa aad u baahan tahay in aad hesho ciyaartoy adag oo ku habboon inuu horumariyo ciyaaartoyda kooxdaada. Ilama aha in uu ku habboon yahay ciyaarta Liverpool.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada