Manchester United ayaa si xooggan kusoo gashay tartanka xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez ee wacdaraha ka dhigay Koobka Adduunka, waxaanay u muuqataa inay ka dul-qaadayso Liverpool oo ahayd kooxda sida weyn loola xidhiidhinayay.
Kubbad-sameeyaha Benfica ayaa soo jiitay indhaha dunida kaddib goolkii quruxda badnaa ee uu ka dhaliyey Mexico kulankii ay Argentina 2-0 ku adkaatay ee wareegga group-yada. Intii ka dambaysay ayuu laacibkani si joogto ah ugu soo bilaabanayay xulkiisa oo uu sida mishiinka u shaqaynayay.
Guusha xulka Argentian gaadhay ayuu Fernandez qayb weyn ku lahaa, iyadoo dalkiisu uu xaqiijistay inuu ku guuleysto Koobka Adduunka oo ay guu dambaysay sannadkii 1986kii.
Inuu yahay kubbad-burburiye iyo inuu hal-abuur ku darsado ayaa ka dhigtay Enzo Fernandez ciyaartoy joogto ku ahaa shaxda Argentina wixii ka dambeeyey labadii ciyarood ee ugu horreeyey oo uu kaydka ku jiray, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay sirta guusha shantii kulan ee xigay ee kusoo dhamaaday guushii rikoodheyaasha ee ay Faransiiska ka gaadheen.
21 jirkan ayaa usbuucyadii tegay la sheegayay in Liverpool ay xataa heshiis hordhac ah la gaadhay, laakiin waxa hadda si dardar leh kusoo gashay hirdankiisa Manchester United sida uu qoray wargeyska UOL Esporte, waxaana uu laacibkani beddelay go’aankiisii ahaa inuu tago Liverpool, isaga oo ka doorbidaya Manchester United.
Warka ayaa intaa ku daray, in Enzo uu taageere u yahay Manchester United marka loo eego Liverpool, taas darteedna uu doorbidayo Old Trafford.