Chelsea 70 Milyan oo euro ayay ka bixinaysaa Christopher Nkunku wuxuuna ugu biirayaa heshiis ilaa 2028 gaadhsiisan. (Nicolo Schira)
Real Madrid ayaa wali doonaysa saxeexa Kylian Mbappe oo ay PSG kala soo wareegto balse waa kaliya haddii shuruudo dhawr ah la buuxiyo. (Sport, via 90 Min)
Mbappe xagaagii hore wuxuu la kulmay Robert Lewandowski si uu ugu qanciyo inuu PSG kusoo biiro balse bedelkooda wuxuu doortay Barcelona. (Le Parisien – in French)
Cristiano Ronaldo aad ayuu usoo dhawaynayaa heshiis uu Chelsea ugu biiro kaddib markii uu ka tagay Manchester United. (Calciomercato, via Express)
Tottenham Hotspur ayaa wali xiisaynaysa garabka Wolves ee Adama Traore balse waxay tartan kala kulmaysaa Leeds United iyo kooxo badan oo Yurub ah.(90min)
Weeraryahanka Lille ee Jonathan David ayaa sheegay in ka ciyaarista Premier League ay riyadiisa tahay. (Independent – subscription required)
Liverpool ayaa indho indhaynaysa khadka dhexe ee Fiorentina ee Sofyan Amrabat oo koobka aduunka Morocco wacdarro uga dhigaya. (Sky Sports Germany)
Inter Milan ayaa wakiilka Franck Kessie xidhiidh kala samaysay suurogalnimada ay 25 sano jirkaas Barcelona kagala soo wareegi karaan xilli uu hore ugu soo ciyaaray AC Milan. (Fichajes – in Spanish)
Bayer Leverkusen ayaa kooxda Club Pachuca xidhiidh kala samaysay saxeexa Luis Chavez oo koobka aduunka wacdarro uga dhigay Mexico. (90min)
Newcastle United way u furantahay dalabaadka laga soo gudbiyo Ryan Fraser. (Telegraph – subscription required)
Real Madrid garabkeeda weerar ee Eden Hazard ayaa ka fikiraya inuu kubadda cagta caalamiga ah ka fadhiisto kaddib markii Belgium ka hadhay koobka aduunka. (Marca – in Spanish)
Netherlands tababaraheeda Louis van Gaal ayaa qishay suurogalnimada uu shaqada xulka Belgium kula wareegi karo kaddib markii Roberto Martinez soo afmeeray lix sano oo uu xulkaas hoggaaminayay. (Mail)
Jurgen Klopp ma xiisaynayo shaqada xulka Germany haddii Hansi Flick laga caydhiyo, wuxuu doonayaa inuu dhammaysto heshiiskiisa Liverpool ee 2026 ku eeg. (Sky Sport – in German)
Agaasimaha baadhitaanada kooxda Liverpool ee Ian Graham ayaa la filayaa inuu kooxda ka tago waxayna ka cabsi qabaan inuu ku biiro Manchester United. (Football Insider)
Liverpool mulkiilayaasheeda Fenway Sports Group ayay u badantahay inay kaliya badh iibiyaan kooxda. (Star)