Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

Liverpool Oo Ka Soo Laabatay Madrid Iyagoo Ka Mahadcelinaya Karbaashkii Ku Dhacay & Sababta Ka Danbeysa

by Saed Mohamed
April 7, 2021
0
Capture

Qeybtii hore Liverpool waxay aheyd mid aad iyo aad u xun, haddii uu jiro tilmaame ka sii xun taas waa ay u qalantay Liverpool.

ADVERTISEMENT

Iyadoo Liverpool ay ilaa iyo haatan ku jirto xilli ciyaareed adag islamarkaana ay rajeynayaan inay koob uun ku guuleystaan hadana qaab ciyaareedkoodii qeybta hore ee kulankii Real Madrid wuxuu ahaa 45tii daqiiqo ee ugu xumeyd xilli ciyaareedkan.

Capture 8

Labo gool ayay Real Madrid ku dhalisay sideed isku day oo ay sameeyeen halka Liverpool ay ku guuldareysatay inay hesho xitaa hal darbo qeybtii hore, waana markii ugu horeysay ee ay sidaan ku dhacdo tan iyo 2014.

ADVERTISEMENT

Mohamed Salah, Diogo Jota iyo Sadio Mane wax farxad ah kama helin afka hore, halka dhanka daafaca ay jirtay sideed taabasho oo Real Madrid u sahashay inay la wareegaan koontaroolka ciyaarta.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Taabashadii ugu horeysay waxay ka soo baxday cagta midig ee Toni Kroos. Wuxuu kubada u dhigay Vinicius Jr oo xabadka ku dejistay (taabasho 2aad) ka hor inta uusan dabamarinin (taabasho 3aad) goolhaye Alisson Becker.

Sagaal daqiiqo ka dib, Kroos ayaa kubad soo qaaday (taabasho 4aad) waxaa si qaldan u madaxeeyay (taabasho 5aad) Alexander-Arnold oo kubada lugta u geliyay Marco Asensio kaasoo ka dulqaaday (taabasho 6aad) goolhaye Alisson oo faraha foodooda ku taabtay (taabasho 7aaad) ka hor inta uusan weeraryahanka Real Madrid kubada dhameystirin ka hor inta uusan soo gaarin Andy Robertson taasoo aheyd taabashadii 8aad.

Alexander-Arnold ayaa bartilmaameed u ahaa Real Madrid iyagoo weeraro ka soo qaadayay garabkooda bidix iyo Naby Keita oo la bedelay seddex daqiiqo ka hor waqtiga nasashada ayaa ahaa labadii xiddig ee ugu liitay garoonka qeybtii hore ee ciyaarta, xaqiiqdiina marka laga reebo Ozan Kabak oo labo jeer kubad badbaadiyay ma jiro ciyaaryahan Liverpool oo sameeyay wax lagu amaani karo qeybtii hore.

Liverpool ayaa qeybtii labaad garoonka soo gashay iyagoo aaminsan inaysan macquul aheyn inay u ciyaaraan si ka xun sidii qeybtii hore, taasoo caawisay.

ADVERTISEMENT

Waxay u muuqdeen kuwa horumar sameynaya oo kubad si degdeg ah u dhaqaajinaya. Kaliya lix daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Mohamed Salah ayaa gool marti ah u dhaliyay taasoo nolosha ku soo celisay tartanka wareega 8da.

Laakiin goolkaas ka dib hadana waxay ku laabteen hurdadooda. Liverpool daafacooda ayaa mar kale la fashiliyay iyadoo Luka Modric uu kubad u dhigay Vinicius Jr kaasoo dhaliyay goolkiisii labaad.

Liverpool ayaa ceyrsasho u gashay goolka labaad laakiin waxay weli ahaayeen kuwa xaga danbe ka furan ugu danbeyn waxay Madrid ka soo tageen iyadoo farqi labo gool ah lagu hogaaminayo ka hor kulanka Anfield ee todobaadka danbe.

Marka la eego in 10 ka mid ah ciyaartoydii dheeshay finalkii 2018 ee labada kooxood ee inay ku soo bilowdeen kulankii xalay, waa ay adkeyd in ilaawo wixii dhacay seddex sannadood ka hor iyadoo natiijada labada kulan ay aheyd 3-1 laakiin mar kale Kroos, Modric iyo Casemiro ayaa goo’aamiyay ciyaarta.

Si kastaba, Liverpool weli waxay heysataa fursad. Lug labaad oo la ciyaarayo. Waxay ku soo bixi karan 2-0 oo ay ku badiyaan gurigooda.

Liverpool ayaa ka mahadnaqeysa in guuldaradii soo gaartay aysan ka weyneyn wixii ku dhacay, waxay ka mahadcelinayaan in semi-finalka uusan weli gacantooda ka bixin.

Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.