Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhaxda u xidhatay dagaal ay u gelayso weeraryahanka sida weyn loola xidhiidhinayo Manchester United ee Cody Gakpo oo wacdaro ka dhigaya Koobka Adduunka oo uu hoggaaminayo afka hore ee xulka qaranka Netherlands.
Gakpo oo u ciyaara PSV Eindhoven ayaa xilli ciyaareedakn 24 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 13 gool iyo 17 kale oo uu caawiye ka noqday, halka xulka qarankiisa uu saddex gool u dhaliyey saddex ciyaarood oo Koobka Adduunka ah.
Bandhigga heerka sare ah ee uu ka samaynayo Koobka Adduunka ayaa wxa uu si weyn usoo jiitay kooxaha horyaalka Premier League, waxaana iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Manchester United ay heshiis hordhac ah la gaadhay laacibkan, haddana tartanka sii xoojinaysa Liverpool oo si toos ah usoo gashay loollanka loogu jiro gool-dhaliyahan.
Sida uu qoray wargeyska Liverpool Echo, Liverpool ayaa wada-hadallo la bilowday wakiillada Gakpo, waxaanay doonayaan in ay kaga hor maraan Manchester United oo ay saxeexa 23 jirkan dhamaystiraan bisha January oo qiimihiisa lagu sheegay 50 milyan oo Euro.
Heshiiska uu Gakpo kula jiro PSV Eindhoven ayaa waxa uu soconayaa illaa sannadka 2026, balse waxa la sheegayaa in uu laacibkani ku wargeliyey naadigiisa inuu doonayo inuu ka tegayo bisha January, waxaanu ku qasbayaa inay iibiyaan.